Howl gal ay wada fuliyeen Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Kooxda Imbagathi ayaa Masjidka Al-Hidaaya ee Magaalada Muqdisho waxey ay ka maanta ka afduubteen culimo farabadan oo halkaasi ku sugnaa, waxeyna wararku sheegayaan in culimadii iyo ardeydii joogtay masaajidka ka Al-Hidaaya ka buuxsaday shan bus oo caasiyaal ah [Hommey]...
Culimadan ka tirsan jamaacada tabliiqa ee maanta laga qafaashay masjidka weyn ee Al-Hidaaya ee ku yaala bariga ex-control balcad ayaa waxa ay ka shaqeeyaan faafinta dacwada islaamka, waxaana wararku ay intaasi raacinayaan in Culimada lagula kacay falal isugu jira jirdil dhaqan xumo, kadib markii baabuurta caasiga ah la saaray, waxaana ay intaasi ku dareen in cidii hadashaa baad la la dhacaayay, ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Kooxda Imbagathi ay qafaashaan una qaadaan meel aan la garanayn Culimada soomaaliyeed ee ku sugan gobolada dalka soomaaliya, waxaana ugu danbeeyay culimadii doraad ay ciidamada dowlada federalka kmg ah ka qafaasheen masjidka koos ee ku yaala deegaanka balcad.
Sidoo kale waxaa maalintii doraad aheyd ay Maleeshiyaadka ilaalada ka aheyd Xarunta Col.C/laahi Yuusuf ayaa qaar ka mid ah Culimada gobolka Bay, ka qabqabtay magaalada kadibna loo soo gudbiyay xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in uu ku yaalo dhulka hoostiisa.





