Page 1 of 1

Banaanbax ka dhan ah joogitaanka ciidamada Ethiopia oo ka dh

Posted: Tue Jun 05, 2007 12:08 pm
by Hiiraan boy
Banaanbax ka dhan ah joogitaanka ciidamada Ethiopia oo ka dhacay dalka Britain

Click here to find this article in English

Mogadishu 05, June.07 ( Sh.M.Network) Banaanbax ka dhan ah fara galinta ciidamada Ethiopia ee dalka Somalia ayaa ka dhacay magaalada London ee dalka Britain, xilli halkaasi uu ka soconayay kulan ay lahaayeen kooxda xiriirka Somalia.

Banaanbaxaan ay soo qaban qaabiyeen kooxdii lagu sameeyay magaalada Leicester ee guddiga daraasaadka Somalia ayna ka soo qeybgaleen in ka badan 2000 oo ruux (Labo kun) oo ka kala yimid magaalooyin badan oo ku yaala dalka Britain ayaa waxa ay socod ku soo mareen wadooyinka ka mid ah magaalada London, iyagoo isugu soo baxay alaabka hore ee wasaaradda arimaha dibadda ee Britain, halkaasi oo ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Somalia.

Qaban qaabiyeyaasha banaanbaxa ayaa waxa ay warqad cabasho ah u gudbiyeen kulanka kooxda xiriirka Somalia, iyagoo u marsiiyay qoraalkaasi wasaaradda arimaha dibadda ee Britain sida uu shabelle u sheegay C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ka mid ahaa qaban qaabiyeyaasha banaanbaxa.

" Ilaa dowladda Engriiska ay ka qaadaneyso go'aan cad oo ku aadan fara galinta ciidamada Ethiopia ee Somalia, waanu sii wadi doonaa banaanbaxyada aan uga soo horjeedno ciidamada Ethiopia" ayuu hadaladiisa sii raaciyay.

Banaanbaxaan ayaa ku soo beegmay xilli kooxda xiriirka Somalia ay kulan ku lahaayeen wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Britain.