Xilldhibaan Barre Hiiraale Oo U Kicitimey Dhinaca Magaalada Baydhabo
Jun 06,2007
by Baardheere-GEDO-NN
Xilldhibaan Bare Aden Shire(Barre-Hiiraale) ayaa saaka aroortii ka ambabaxay degmada Baardheere oo uu dhawaanahanba uu ku sugnaa,Xilldhibaanka oo safarkiisa ay ku weheliyaan ilaaladiisa gaarka ah ayaan horey loo sheegin safarka uu maanta ugu ambabaxay Baydhabo oo ah xarunta DKMG ah ee Soomaaliya.
Barre Hiiraale ayaa tan iyo intii uu ka soo tegay magaalada Baydhabo waxa uu kulamo kala duwan uu la lahaa maamulka degmada, golaha odoyaasha iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Baardheere, isagoo inta badana masuuliyintaasina kala hadlayey sidiii loo xoojin lahaa maamulka degmada iyo sidoo loo heli lahaa ciidamo suga nabadgelyada degmada.
Tegitaanka xilldhibaanka ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmaysa xilli degmadu ay ka socoto,howlo wax lagaga qabanayo nabadgelyada magaalada,taasi oo xildhibaankuna uu qeyb ka ahaa isaga iyo ciidamadiisa.
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere



