Shacabka reer muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya shirka dib u heshiisiineed ee fooda inagu soo haya islamrkaana ku kala macneeyey mid aan dhaqan gelayn iyo mid socon doona .
Xanshashaqa xaalada shirka ayaa aad u haraysay xarumaha ay ku badan yihiin dadku iyo weliba goobaha laga qaxweeyo ,taasoo muuqaal ahaan ay dadka qaarkiis u arkaan mid aan waxba kasoo naasa cadayn islamrkaana aysan muuqan diyaar garoow baaxad leh oo ka muuqanaya caasimada muqdisho .
Mid kamida odayaasha ruug cadaaga ah oo magaciisa la yiraahdo cabdi waasuge ayaan wax ka waydiinay bal sida ay ula muuqato shirkan oo maanta ay ka xigto xiligii la iclaamiyey hal maalin oo qura ,waxuuna ku jawaabay sidan ,waxaa marag madoonto inuu shirkani yahay mid aan cidiba diyaar u ahayn waayo ayuu yiri waxaa muuqata caasimada muqdisho oo aynu joogno wax diyaar garoow ah oo ka soconaya nooma muuqdo islamrkaana ma jiraan cid ergo ah oo soo gashay oo ka timid gobolada kale ee soomaaliya .
waa suge ayaa hadlkiisa sii raaciyey hadiiba aan maanta cidiba imaan muqdisho hal maalina ay iinaga xigto xiligii la sheegay in la qaban doono miyaysan ahayn cidba looma hayo .
sidoo kale waa suge ayaa saxaafadu waydiisay maxay tahay sababtu shirka mudo hore ayaa la iclaamiyey muxuu u muuqan la, yahay ,waasuge ayaa ku jawaabay waxaa caqabad ah oo marag madoonto ah halka laga abaaray markiisii horeba waayo beelo isma hayaan ee waxaa dagaalsan siyaaad hadaba waxaaba la dejin la, yahay caasimadii amaankeediiye ma shirbaa loosoo jeedaa taasina waxay soo de-dejisay inuu maalintii shirka la iclaamiyey ay hoosta inaga soo gasho iyadoo lala leg-damyo xaalada xamar .
Hadal haynta shirkan dib u heshiisiineed ee la sheegay in lagu heshiisiin doono beelaha soomaaliyeed ayaa muuqaalka dadka shacabka ah ee hirarka wararka suuqyada ee meelaha lagu badan yahay waxaa hareerey sida mugdiga ku jirta ee durba uu maalintiisii la qaban lahaa shirka ay hoosta uga soo gashay iyadoon cidina u diyaar garoobin ,waloow ay dadka qaarkiis ku macneeyeen inuu shirka ergada kasoo qayb gelaysaa ay hoos ka taabsho tahay ee aysan ahayn mid si toosa u metesha beelaha la sheegay in la heshiisiinyo .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay maalin keliya ka harsan tahay shirka dib u heshiisiineed oo lagu wado inuu dhaco 14-ka bishan aynu ku jirno .




