(Boosaaso}12.6-7
Markii ugu horeysay ayaa maamul goboleedka Puntland waxaa uu ka warbixiyay diyaarado xilliyada habeenkii iyo galbihiiba dul heehaabaya hawada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, gaar ahaan dhul sare oo buuraley ah oo ku dhow deegaanka Baargaal.
Wasiir kuxigeenka arimaha bulshada iyo amniga ee maamulka Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil "Xaaji Bakiin" oo shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Boosaaso ayuu ku sheegay in diyaaradahaasi ay yihiin kuwo ugaadhsanaya waxa uu ku sheegay xubno argagixiso ah, oo uu tilmaamay in ay ka yimaadeen dhinaca Raas-kambooni, iyagoo kasoo cararay buu yidhi dagaaladii halkaasi ka dhacay.
Waxaa uu tibaaxay in diyaaradahan ay iyagu ka war qabaan, ayna ogyihiin howl galada ay sameynayaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in diyaaradahan aysan kaliya aheyn kuwo uu Mareykanka leeyahay, hasa ahaatee ay jiraan diyaarado iyo Maraakiib dagaal oo laga leeyahay Dalalka France, Germany iyo Itali, oo iyagu ku sugan meel aan sidaa uga sii baxsaneyn dekadda Boosaaso.
Hadalka wasiir kuxigeenka arimaha bulshada iyo amniga ee maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli si aad ah loo hadal hayo diyaaradahan markasta dul heehaabaya hawada magaalada Boosaaso.




