in Ganacsade Ah Oo Xalay Lagu Dilay magaalada Kismaayo
Jun 12,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Nin ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose ayaa koox dabley ay xalay fiidkii ku dileen xilli uu sii galayey gurigiisa. Marxuumka oo la oran jiray Axmed-Kheyr Cabdullahi Ciise oo ka soo jeedo beesha Warsangali, kana mid ahaa ganacsatada dhuxusha ayaa la sheegay inay nin ka mid kooxdaan dableydi ahi uu rasaas ku furay, isla goobtiina uu ku geeriyooday.
Ninkii falkan geystay ayaa isla goobtii ka baxsaday, inkastoo oo ay ciidamada booliska ee degmada Kismaayo ay isla markiiba tagaan goobtii uu falkaasi ka dhacay, welina ku guda jira baaritaano la xiriiro dilka loo geystay marxuum Axmed-Kheyr Cabdullahi Ciise. Taliyaha booliska ee degmada Kismaayo Ibraahim Shanfool ayaa sheegay inay wadi doonaan baaritaanka la xiriira dilka ganacsadaha, ayna sharciga hor keeni doonaan qofkii ay ku cadaato inuu falkaasi ka dambeeyey.
Warar goor dhow ka soo baxay ciidamada booliska iyo dad kale oo xogogaal u ah ayaa sheegaya in la aqoonsaday ninka filka dilka geystay oo la sheegay inuu ka soo jeedo beesha Cowramale oo asagu la sheegay inuu ka mid ka ahaa ilaalada goobo dhuxusha lagu gubo oo ay ganacsato beesha Cowramale iyo marxuumka dhintay ay shirko ku ahaayeen.
Dilka loo geystay marxuumka ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca magaalada Kismaayo ilaa iyo intii ay dagaalka uu dhexmaray labo ciidan oo ka wadotirsan dowladda federaalka.
GEDO-NN-Kismaayo News Desk