Page 1 of 1

Maleeshiyo Beeleedkii Buulogaduud Iyo Ciidamadii Guutada 3aa

Posted: Wed Jun 20, 2007 6:19 am
by Hiiraan boy
Maleeshiyo Beeleedkii Buulogaduud Iyo Ciidamadii Guutada 3aad Oo Isku Horfadhiya Degaanka Luglow
Jun 20,2007
by GEDO-NN-Kismaayo
Abaabul dagaal oo xoogan ayaa ka soconaya Tuulooyinka Goobwayn iyo Buulagaduud ee waqooyiga kismaayo halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleed taabacsan Co.Cabdirizaq Afgaduud iyo Col.Koojaar oo horay looga soo eryay magaalada Kismaayo iyo ciidamo ka tirsan kuwa guutada 3aad ee hadda ka hor ku dagaalamay gudaha magaalada kismaayo.

Dhiilada ayaa cirka isku shareertay markii shalay galinkii dambe ay isku dhaceen laba ilaalo nawaaxiga halka loo yaqaano dalcada luglow taas oo ay ka dhalatay in labada dhinac ay hubka uruursadaan. Boqolaal ciidan ah oo ku hubaysan baabuurta dagaalka oo ka baxay magaalada kismaayo ayaa isugu tagay tuulada goobwayn oo kismaayo 9Km u jirta, halka maleeshiyo beeleedka daacadda u ah Col.Afgaduud iyo Koojaar oo iyaguna ku hubaysan dhowr baabuur dagaal ay soo fariisteen dalcada Luglow oo kismaayo u jirta 19km.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaalo hore ay yihiin ciidamada jooga Luglow ayna maleeshiyooyinka xoogoodu ku sugan yihiin Tuulada Yoontooy oo kismayao u jirta 21km, waxaase sii kordhaya cabsida laga qabo dagaal culus oo lagu hoobto. Ciidamada magaalada Kismaayo ku sugnaa ayaa isku raray tiknikada dagaalka ,waxaana la arkayay iyagoo raxan raxan u sii lugaynaya mana cadda in ay weerar qaadayaan iyo in difaac galayaan sida ay sheegteen saraakiisha hogaamisa ciidamadan.

Goobaha ganacsiga ayaa maanta badankood xirnaa dadkuna waxaa ay dhooban yihiin wadooyinka iyagoo is waydiinaya waxyaabaha soo fool leh halka ay labada dhinac kala jooga, inta badan dadku waa ay walwalsan yihiin waxaa ka muuqanaysa sida ay ugu daaleen dagaalada ahliga ah ee ragaadiyay kismaayo xilli gobolada kale ee ay joogto dawlada KMg ah ay ka socdaan hawlo amni sugid ah iyo rabshado siyaasadeed oo aan ahayn kuwa qabyaaladeed.

Col: Aaden Maxamed Ibraahim Koojaar oo ka mid ah horjoogayasha maleeshiyo beeleedyada ku sugan oo Buulagaduud ayaa ku eedeeyay dhinaca Kismaayo in ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin Yoontooy kadib markii ay dhamaadeen saddex maalmood oo Beesha Kismaayo haysata ay u qabatay in ay wadada ku baneeyaan sida uu warka u dhigay.

Koojaar waxaa uu intaas raaciyay in Buulagaduud ku joogaan amarka dawlada aysan weerar ku ahayn magaalada Kismayo, balse ay isdifaaci doonan hadii la soo weeraro Col: Ismaaciil Khaliif Shire taliyaha guutada saddexaad ee xooga dalka oo Kismaayo ku sugan aya ku tilmaamay iska horimaadkii shalay mid ay isku haleeleen laba ilaalo ayna dib u soo celiyeen ciidamadooda.

Col.Ismaaciil Khaliif Shire ayaa waxaa uu tibaaxay in Guutada Saddexaad aysan weerar ahayn oo ay wasaarada gaashaandhiga ka haystaan amar ah in meel la isugu geeyo Ciidamada qaranka si loo aruuriyo loona siiyo mushaarka ay leeyihiin. Hadalada saraakiishaan kawada tirsan dawlada KMG ah ayaa waxaa ay ka dhigan yihiin in ay wada taabacsan yihiin dawlada KMG ah waxaase cad in ay ukala jabeen hayb qabiil ka dib dagaalkii 23kii April ee kismaayo looga saaray taliyahii hore guutada Koowaad Col.Afgaduud C/risaaq afgaduud iyo abaanduulaha qaybta koowaad Col: Aaden koojaar iyadoo markii dambana ay ku biireen Gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada oo loo fasirtay in ay hayb qabiil isku raaceen.

GEDO-NN-Kismaayo News Desk