Page 1 of 1

Waxaan ahay.. Waxaan a

Posted: Wed Jun 20, 2007 11:13 am
by Enemy_Of_Mad_Mullah
Dacartuba mar bay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe

Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaalle.

Midigtaydiyo bidixdaydu waa, labo mataanoode;

Midi waa martida soora iyo, maato daadihise;

Midna waa middiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe.

Masalooyin talantaalliyaan, maandhe leeyahaye;

Mar baan ahay muddeec camalsanoo, maagista aqoone;

Marna macangag laayaan ahoo, miiggan baan ahaye.

Mar baan ahay muftiga reerkiyo, mudanow shiikhiiye;

Marna mukhawi waashoo khamriga, miista baan ahaye.

Mar baan ahay murtiyo baanisaba, madaxda reeraaye;

Oy weliba muuno iyo dulqaad, igu majeertaane;

Marna reer magaal loofaroon, muuqan baan ahaye.

Mar baan ahay nin xaaran maqdac ah, marin jidiinkiise;

Marna tuug mu’diya baan ahoo, maal Rasuul bixine.

Mar baan ahay maqaan awliyaad, maqaddinkoodiiye;

Marna mudanka shayddaanka iyo, maal jin baan ahaye.

Mar baan ahay nin midabaynayoo, maalinbays roga’e;

Muuqaygu gelinkiiba waa, muunad gooniya’e;

Miisaanna ima saari karo, qof i maleeyaaye.

Muslinkiyo gaalada dirkaba, waan micne aqaane

Malaa’iigta Naartiyo Jannada, waygu murantaaye.

Mahadhooyin kala kaan ahoo, la igu maansheeyey

Maahmaahahaan soo dulmaray, doqoni waa mooge;

Ninkii maalmo badan soo jiraye, madaxu boosaystay

Ee inan rag miisaami jirey, wuu i maan garane.

Nin kastaw halkii kula macaan ay, muhato laabtaadu eeh

aanad madadaaladeed, igala maarmaynnin

Iska soo mar waa kuu mubaax, marinkaad doonto’e

Re: Waxaan ahay.. Waxaan a

Posted: Wed Jun 20, 2007 11:42 am
by Enemy_Of_Mad_Mullah
Mar baan ahay muftiga reerkiyo, mudanow shiikhiiye;

Marna mukhawi waashoo khamriga, miista baan ahaye.

Laughing Laughing Laughing Laughing Cool

Re: Waxaan ahay..

Posted: Wed Jun 20, 2007 12:18 pm
by Gatspy
up up Awesome stuff EMM.

Re: Waxaan ahay..

Posted: Wed Jun 20, 2007 2:09 pm
by adanboy
whose this EOMM?