Postby Kulmiye_TDH » Wed Jun 20, 2007 12:37 pm
'Dadkaasi reer Burco waxay ku qanceen inay lagama maarmaan tahay in maamulkan jira la bedelo oo la Hilfaha loo laabo,' Axmed Siilaanyo
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 19 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo laba toddobaad ka badan ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa xalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa. Waxana uu ku tilmaamay hawlihii uu u joogey magaalada Burco kuwo guul ah.
Axmed Siilaanyo, waraysi dheer oo uu maanta siiyey Telefishanka Madaxa bannaan ee SLTV, waxa uu sheegay in socdaalkii uu ku tegey magaalada Burco uu ahaa mid kedis ah oo aanu u tabaabushaysan, balse uu ahaa mid kedis ah oo ku yimi ka qaybgalka aaskii Marxuum X. Maxamuud Waraabacadde oo ka mid ahaa odayaashii SNM iyo Somaliland. Hase yeeshee, markii uu tegey magaaladaas oo ah magaalada labaad ee Somaliland, uuna xisbiga KULMIYE taageeraayaal aad u badan ku leeyahay, mudda dheerna uu ku talajirey inuu tago, ay khasab noqotay inuu ku hakado, kulamona la yeesho bulshada magaaladaas. Waxana uu sheegay in kulamada iyo wadahadalada uu la yeelanayey mujtamaca Burco ay ahaayeen kuwo baahsan oo qoto dheer.
Axmed Silaanyo, isaga oo sidii uu hawshiisa Burco u gudagalay ka hadlaya waxa uu yidhi,
"Waxay noqotay inaan si baahsan ula kulmo mujtamaca Gobolka Togdheer, khaasatan magaalada Burco – magaalada Burco kama aan bixine – inaan si aad u baahsan oo qoto dheer ula kulmo, ula doodo, ulana munaaqishoodo oo si ka duwan sidii hore ee inta dadweynaha loo khudbadeeyo laga tegi jirey inaanu hawlo badan oo qaranka maanta saameeya aan isla lafa-gurno".
"Alxamdu lillaahi Rabbil Caalamiin, waxaan isleeyahay oo runtii maanta aan u tirsanayaa – dadkuna haddii aan ka qiyaas-qaato sida gudo iyo dibadba la iigala soo hadlayo in arrintaa guul weyn ay ka soo hoyatey oo aan arkayo in dareenkaasi ahaa ama safarkaasi ahaa mid waxtar weyn Gobolka, dalka, xisbigayga iyo anigaba noo leh, " ayuu raaciyey.
Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in wadahadalada iyo kulamada uu la yeelanayey bulshada reer Burco aanay ku koobnayn keliya arrimo siyaasadeed, balse, laga hadlayey dhinackasta, siyaasadda dalka, xaaladda mandaqadda iyo saamaynta ay ku yeelanayso Somaliland, xaaladda gobolka, waxqabad la'aanta, adeegyada bulshada iyo dhammaan dhibaatooyinka dadka reer Burco haysta oo ay ka mid tahay tahriibta dhallinyarada, gaar ahaan reer Burco ay ku qulqulayaan oo sababta in tobannaan dhallinyaro ahi ay ku halligmaan badaha, dhaqaalaha iyo ganacsiga oo hoos u dhac weyni ku yimi, maadaama Gobolka Togdheer uu ku tiirsan yahay xoolaha nool iyo lacagta shilin Soomaaliga oo weli ku sii hadhay gobolkaas iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin caafimaadka, isaga oo sheegay inuu booqday goobaha lagu daaweeyo dadka uu soo ritey cudurka Shuban-biyoodka. Waxana uu ammaanay dhakhaatiirta cusbitaalka Burco ee gacanta ku haya dadkaas iyo ganacsatada oo uu sheegay inay iyaguna caawimo u fidiyeen.
Muddadii Axmed Siilaanyo ku sugnaa magaalada Burco ee kulamada la yeelanayey bulshada, waxa magaalada Burco iyana ku sugnaa wasiirro ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo iyaguna barbarkooda ka wadey shirar iyo kulamo. Waxayna marar kala duwan ku eedeeyeen wasiirradu Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisa KULMIYE inay ka wadaan magaalada Burco olole siyaasadeed iyo shirar qabiil ku salaysan.
Guddoomiyaha, Md. Axmed Siilaanyo isaga oo taas ka jawaabaya waxa uu yidhi, "Anigu qaabka aan dadka ula kulmayey wuxuu ahaa anigu mujtamaca ayaan la kulmayey, " ayuu yidhi.
"Qaabka Beelaha ... KULMIYE beelaha muu abuurine beeluhu weligoodba way jireen oo bulshaday ka mid yihiin oo dhaqan bay ku jiraan oo wax ceeb ah maaha. Anigu degaamo wax la yidhaahdo ayaan la kulmayey, dhallinyaraan la kulmay, haween baan la kulmay, deegaan-deegaan baan dadka ula kulmay, sida dadku u dhaqan yihiin ee ay u dhisan yihiin ayaan dadka ula kulmayey, " ayuu raaciyey.
Waxana uu sheegay in arrimaha ay ka wadahadlayeen ay ahaayeen danaha guud ee dalka iyo danaha gobolka oo uu sheegay inay culays weyn saarayeen iyo weliba xaaladda guud ee Mandaqadda iyo saamaynteeda.
Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay inay dhegeysanayeen fikradaha iyo aragtiyaha dadkii ay la kulmayeen. Waxana uu hoosta ka xarriiqay in dadweynaha reer Burco ay muujiyeen inay quus ka taagan yihiin xukuumadda talada haysa iyo inay wax ka qabato baahiyaha iyo dhibaatooyinka dalka ka taagan, gaar ahaan-na ay ka rajo dhigeen waxyaabo badan oo dalka guud ahaan saameeya ama gobolkaas u gaar ah oo xukuumaddu marar badan ballanqaaday, waxna aanay ka fulin.
Hase yeeshee, Axmed Siilaanyo, waxa uu ku ammaanay dadka gobolka Togdheer in iyagu ay isku tashadeen, isla markaana ay dhisteen guddiyo ka shaqeeya horumarinta iyo danaha gobolka, markii ay arkeen ayuu yidhi in aanu jirin maamul ay isku halleeyaan.
"Xataa FM-tan idaacadaha Afsoomaaliga ku hadla ee tuulo kasta mid baa taalla, Togdheer waa loo diidey, dowladdaana u diiddey, Jaraa'id kama furna, TV ma laha, kan dalku ma gaadho, idaacadi ma gaadho. Waxay Togdheer dareensan yihiin in dowladdu geeska gelisey, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, isagoo sharraxaya cabashada dadka reer Burco ee uu la kulmay. Waxa kale oo uu sheegay in ay ka quusteen ballanqaadyadii xukuumaddu samayn jirtey marka doorashooyin jiraan.
Taasina waxa uu sheegay in ay sababtay, markhaatina u tahay sida Wasiirradii xukuumaddu ay ugu hungoobeen, loogana soo eryey magaalada Burco intii uu joogey.
"Dadka reer Burco waxay si fiican u fahmeen oo aan looga sheekaynayn oo ay cid walba uga war-roon yihiin [in] wax alla wax loo qabtaa ma jirto. Dowladdu waxay wefti u dirtaa Burco marka Gaboose ama Anigu ama qof naga mid ahi tago, inta kale uma tagaan, shaqona kuma darsadaan, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Balse, waxa uu sheegay in dadku ay ka ilbaxeen oo aan waxba laga dhegeysan weftiga xukuumadda.
"Illaahay Xamdigii, dadka gobolka Togdheer ama reer Burco maanta waxaa way ka ilbaxeen. Runtana waan idiin sheegayaaye wax alla wax laga dhegeysanayaa ma jirto, dabadaana lagaga soo wada dhacay [wasiirrada] kulligood, " ayuu raaciyey.
"Dadku iyagaa maanta laftoodu mucaarid ah oo ku mucaarid ah maamulka jira oo arkaya oo soo taabtay inaan hal xalaala marna loo sheegin, wax loo qabtayna aanay jirin, " ayuu raaciyey Axmed Siilaanyo, isaga oo sharraxaya sida dadka reer Burco aan loogu cabsi gelin karin mucaaridka.
Axmed Siilaanyo oo la weydiiyey waxa ugu dambayn ay isla soo meeldhigeen ama isku raaceen dadka reer Burco, waxa uu sheegay in inta badan ay ka wadahadlayeen dadkii ay la kulmeen danta caamka ah ee dalka iyo ta gobolka, balse, aanay jirin wax gaar ah, inkasta oo dadku aanay qarsan ayuu yidhi taageeradooda xisbiga KULMIYE. Waxana uu sheegay in dadka reer Burco ay isfaham buuxa ku gaadheen hal qodob.
"Dadkaasi maanta waxay ku qanceen oo aanu si fiican isula afgaranay, iyadoo dalka nabadgelyadiisa la ilaalinayo, iyadoo dalka wadajirkiisa la ilaalinayo, iyadoo aan cidna meel lagaga dhacayn in jidkii aynu xalaashanay ee doorashooyinka loo maro maanta in lagama maarmaan ay tahay in maamulka maanta jira la beddelo oo hilfaha loo qaado oo dan uu dalka iyo gobolka u soo wadaa aanay jirin. Sidaas ayaanuna reer Burco isku soo raacnay, isku afgaranay, cid ka saaraysaana ma jirto, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Beryahan dambe waxa soo baxayey loollan la sheegay inuu ka socdo Xisbiga KULMIYE gudihiisa oo loogu jiro cidda noqonaysa Musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga. Arrintaas iyo Shirweynaha Xisbiga oo qorshaysan in la qabto dhowaan ayaa iyana Guddoomiyaha wax laga weydiiyey. Halkan kala soco jawaabihii uu ka bixiyey arrimahaas.