SHIRWEYNE GOBOLKA TOGDHEER AH OO KA DHACAYA BRISTOL, SABTIDA 23 JUNE 2007()
hadhwanaag 2007-06-19 (Hadhwanaagnews) Shir aad u weyn oo lagaga hadlayo Horumarinta Gobolka Togdheer ayaa ka dhacaya magaalada Bristol.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka TAF (Togdheer Abroad Foundation) waxa ka soo qayb geliya Indheergaradka Gobolka Togdheer oo isaga imanaya magaalooyinka Ingiriiska oo dhan.
Shirkani waa kii ugu weynaa ee arrimaha Gobolka Togdheer lagaga wada xaajoonayo, waxaana martida shirka ka qayb gelaysa ka mid ah: Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen, Xildhibaan Farxaan Maxmed Cali, Dr Sacad Shire, Dr Cabdilaahi-Biikolo, Dr C/risaaq Xasan Xuseen, Cabdilaahi Cawed Cige, Maxamed Baashe X. Xasan, Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), Yusuusuf Ismail Hassen iyo marti sharaf kale oo badan.
Shirkan waxa lacag tabaruca ugu deeqaya Cusbitaalka Waallida ee Burco Ururka TAF, cadadkeedana kulankaas ayaa lagu shaacinayaa. Sidoo kale ururku wuxuu gudoomanaya qalab isboortis oo loogu deeqay.
Waxa shirkan si weyn uga soo qayb gelaya saxaafadda Somaliland, iyo saxaafadda kale, waxaan maalintaa goobta jooga oo barmaamijka duubaya TV-ga Universal, Idaacadda SomaliVoice, wergeysyo iyo website-yo fara badan. Waxa goobta la keenayaa buug afsoomaali ku qoran.
Shirkan waxa soo agaasimay Ururka TAF oo caawiya waxbarashada, caafimaadka iyo cayaaraha Gobolka Togdheer. TAF waxa aasaasay, agaasimana dhallinyaro indheergarad ah oo u heellan sidii horumar la taaban karo looga hirgelin lahaa guud ahaan dalkii hooyo, gaar ahaanna Gobolka Togdheer.
Magaalada: Bristol, UK
Taariikhda: 23 June 2007
Sacaada: 2pm – 7pm
Goobta: ST Werburch Community Centre
Horley Road, Bristol
www.ururkataf.com
La Xidhiidh - Bristol
Mowliid Axmed 07949254923
Cabdi Xariir 07939649728



