whats going on?????
Ciidamada Ethiopianka Ah ee Muqdisho Kusugan Oo Billaabey In Ka Baxaan Magaalada Muqdisho.
Posted to the Web Jun 20, 15:55
Ciidamada Ethiopianka ah eek u sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay billaabeen in ay ka baxaan magaalada iyadoo illaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay si rasmi ah ku wajahan yihiin.
Deegaanada Seybiyaano iyo meello kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay degenaayeen ayey ciidamadani ka baxeen maanta gelinkii dambe.
Wararka qaar ayaa waxaa ay tibaaxayaan in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin waddankooda Ethiopia,iyagoo hadda isku aruursanaya qaarkood guriga uu ka dagan yahay Muqdisho genaraalka hogaamiya ciidamadaasi ee Gen Gabra.
Tallaabadaasi ayaa waxaa ay tahay mid aan hore loo sii qorsheyn,waxaana jira shakiyo badan oo laga muujinaayo waxaa keeney in ciidamadaasi ay uga baxaan gudaha magaalada Muqdisho.
Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco




