Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhalinyaro la heyb ah marxuumkii dhowaan ay kooxo dabley ah ku toogteen duleedka magaalada Garowe ay xaawilayaan in ay gaystaan argoosi qabiil oo la xiraara dilkiisa.Ka akhri halkaan
Alaha u naxriistee Abshir Ismaciil Guray oo dagaan ahaan ka soo jeedo tuulada Yako Yako (Deganka Qardho) ayaa kooxaha toogtey ay dilkiisa la xiriirinayaan dil ka dhacey tuulada 2005.
Dilkaan oo ay uga naxeen dadka gobolka Nugaal ayaa cabsi laga qabaa in uu horseedo dilal kale oo ka dhaca deegaanadaas hadii aan si deg deg ah arinkan wax looga qabin.
Warar laga helayo odayasha beesha ay ka dhasheen kooxdaan dilka gaysatey ayaa sheegaya in ay baadi goob ugu jiraan sidii ay u soo xiri lahayen gacan ku-dhiiglayasha falkaan ka dambeeyay isla markaana ula xaali lahaayeen ehaladii marxumka.Ka akhri halkaan sida ay DGPL uga guuldareystay wax ka qabadka amaanka gobolka
Warar hoose oo Garowe online heshay ayaa sidoo kale sheegaya in safar gaaban oo uu dhowaan Madaxweynaha PL ku tagey degmada Qardho uu halkaas kula kulmey odayasha iyo dhalinyarada beesha uu ka dhashey Marxuumka kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay jiran dhalinyaro is-abaabuleysa oo rabta in ay argoosi kale oo qabiil gaysataan.
Kulanka Madaxweynaha iyo odayasha beesha ayaa sida wararku shegayaan ku dhamaadey guuldaro kadib markii Cadde Muse sheegey in waligeed dad la-leyn jirey isla markaana laga heshiin jirey.
Dhinaca kale Cadde Muse ayaa xusey in siyaasiyiinta beesha gabi ahaanba ku sugan tahay Garaowe sidaa dardeedna aysan macquul aheyn in wadada dad ku dilaan.
Odayaasha beesha ayaa ugu jawaabey Madaxweyne Cadde Muse in aysan waxba ka galin kursiga uu ilaashanayo.
Madaxweynaha ayaa weli dadaal ugu jira sidii beesha Marxuumka uga raaridi lahaa sidii aysan dhalinyardooda falal kale u gaysan.
Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa ah kuwa aad u foolxun iyada oo ay dhacdo in mararka qaarkood dil loo gaysto qof aan gabi ahaanba shuqul ku laheyn fal dambiyeed dhacey muddo ka hor.
Waxgaradka gobolada Nugaal iyo Karkaar ayaa rumeysan in ay jiraan kooxo leh dano gaar ah oo ka shaqeynaya sidii loo xumeyn lahaa xiriirka dadka daga labadaas gobol xilli la salugsan yahay maamulka Cadde Muse oo xukumadiisu ka kooban tahay xubno ka yimid dhamaan gobolada Puntland.



