Postby cabdallah252 » Thu Jun 21, 2007 3:53 pm
yeah terrorists
mid ka mida sedexda nin ee Mareykanka baadigoobayo oo la sheegay inuu fariisin ka dhigtay Puntland
13 Jun 07
Ilo wareedyo reer Puntland ah ayaa ku sir waramay in Cabdalla Sudani oo loo yaqaan Abu taha Al Sudani una dhashay beesha Majeerteeniya uu galay gudaha Puntland kadib markii uu mudo ku go-doonsanaa Buuraha golis ee degmadda Baargaal.
Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland ayaa sheegay inay qabaan warbixinta arrintaa la xiriirta waxayse sheegeen inay dabagal ku sameeynayaan degaanka uu Puntland ka jooga iyo halka lagu qarinayo.
Saraakiisha Amaanka ee dowlada Mareykanka u qaabilsan dhinaca Soomaaliya ayaa iyagana laga soo xigtay in Al Sudani uu ku dhuumaaleeysanayo gobolada Puntland gaar ahaan tuulooyin ku yaal inta u dhaxeeysa Baargaal iyo Garowe.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa ku gaafwareegayo boosaaso iyo Garowe,waxayna Mareykanku rumaysan yihiin in Al Sudani oo u dhashay Puntland ay magangalya siinayaan qoysas reerkiisa ah oo ku awood badan goboladaas.
Abdalla Al Sudani oo ah 43 jir ku dhashay Khartoum,wuxuu leeyahay lix Caruura ,wuxuuna u dhashay beesha Majeerteeniya gaar ahaan Wabeeneeye,isagoo ah tujaar iska leh Shirkado badan oo Muqdisho iyo Puntland ka hoowlgala,laakiin Mareykanka ayaa aaminsan in Abdalla Sudani ka dambeeyay qaraxyadii Safaaradaha Mareykanka ee 1998-dii lala beegsaday Nairobi iyo Darasalam.
Puntland waxaa ku sugan ganacsato iyo beelo u dhashay gobolada maamulkaas kuwaas oo xoog u taageeraya Maalqabeenka Sudan ku dhashay ee Majeerteeniya,sida uu qiray Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee Puntland Xaaji Bakiin oo beelahaas iyo shaqsiyaadka la ogyahayba ugu baaqay inay iska iloowaan oo ka tanasulaan taageeradooda argagixisada waxa uu ugu magac daray.
Xaaji bakiin oo ah xeeldheere muda Warfaafinta u qaabilsanaa Puntland ,ahaana ninkii abuuray barnaamijkii Shimbiraale,wuxuu sheegay inay ka warqabaan diyaaradaha dul heehabayo Puntland ,wuxuuse ku gaabsaday inay hoowlgalo melleteri ka wadaan degaano qaasa.
Si kastaba ha ahaatee hoowlgalada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa u muuqdo kuwa isu rogay dhinaca goboladda Puntland taas oo ay dad badan ka cabsi qabaan inay ka dhashaan khasaarooyin lixaad leh oo lagu hoobto.
Last edited by
cabdallah252 on Thu Jun 21, 2007 3:56 pm, edited 1 time in total.