Qaraxyo xoogan oo si teel teel ah uga dhacaya Muqdisho, iyadoo bandow uu ka hirgalay
Qaraxyo xoogan oo si teel teel ah uga dhacaya Muqdisho, iyadoo bandow uu ka hirgalay
Click here to find shabelle news in English
Mogadishu 22, June.07 ( Sh.M.Network) Iyadoo Bandowgii dowladda KMG ah ay ku soo rogtay magaalada Muqdisho uu caawa 7dii habeenimo ka hirgalay caasimadda Somalia ayaa hadana waxaa la maqlayaa qaraxyo xoogan oo si teel teel ah uga dhacaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo haatan inta la ogyahay in ka badan 11 qarax oo xoogan ayaa ruxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada ay yihiin kuwo si teel teel ah u soconayo oo mararka qaar la maqlayo, lamana garanayo waxa ay yihiin iyo cidda lala beegsanayo.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka Huriwaa , Labo ka mid ah qaraxyadaan ayaa waxa ay ka dhaceen inta la og yahay agagaarka warshadda Baastada oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia, lama soo sheegin wax qasaaro ah.
Sidoo kale mararka qaar ayaa waxaa la maqlayaa rasaas xoogan.
Waxaa adag in xog dhab ah laga helo goobaha ay ka dhacayaan qaraxayadaan, iyadoo ay ku adag tahay suxufiyiinta in ay banaanada aadaan, ka dib markii ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah lagu arkay wadooyinka markii bandowga uu bilowday caawa 7 dii Fiidnimo.
Dad badan oo nagala soo xiriirey xaafado ka mid ah Muqdisho ayaa waxa ay inoo sheegayaan in ay maqlayaan qaraxyo, iyagoo walwal ka muujiyay sida ay wax u socdaan.
Lama oga qasaarah ay geysteen qaraxyadaan wali ka dhacaya caasimadda iyo halka si rasmi ah loola beegsanayo.
Qaraxyadaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli Bandow adag dowladda KMG ah ay ku soo rogtay magaalada Muqdisho, iyadoo Bandowgaasi oo hirgalay caawa 7 dii Habeenimo si weyn looga dareemay caasimadda.
Dhamaan waxaa istaagay isku socodkii dadka iyo gaadiidka markii la soo gaaray xilliga bandowga.
Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net.
Daqiiqado ka dib refresh dheh boggaan si aad ula socoto qaraxyada iyo wixii kale oo ku soo kordha Magaalada Muqdisho
BREAKING NEWS 10 BOMB ATTACKS IN MUQDISHO CAAWA
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 479 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 10 Replies
- 1054 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 90 Replies
- 64050 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 18 Replies
- 1847 Views
-
Last post by DEMOLITION MAN
-
- 42 Replies
- 3594 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 427 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 36 Replies
- 2942 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 1 Replies
- 531 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 678 Views
-
Last post by Hiiraan boy