Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa dalka uga maqan arrimo caafimad sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay dad ku dhaw dhaw,iyadoona iminka uu ku sugan yahay dalkaasi Itoobiya.
Max'ed Dheere ayaa iminka ku sugan dalkaasi Itoobiya kdib markii uu socdaal kaga soo laabtay dhanka dalkaasi Turkiga halkaasi oo la sheegayo in loogala tacaalay xanuun dhanka lafaha ah oo soo wajahay.
Warar aanu kasoo xiganay masuuliyiinta ku dhaw dhaw Max'ed Dheere ayaa xaqiijinaya in Gudoomiye Max'ed Dheere laga yaabo mudo todobaadyo in ah in uu shaqada ka joogsado maadaama dhanka socodka uu ku adkaanayo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la sugayaa dhawaan in uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho,marka socdaalkaasi uu soo afjaro,iyadoona laga yaabo maanta in magaalada uu dib ugu soo laabto.



