Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha beesha sade ee Magaalada Kismaayo oo laga soo saaray dhowr qodob.
Kismaayo , Axad , June , 24 , 2007 Waagacusub.com
Kulan ay isi soo horfariisteen odayaasha beesha Sade oo ka dhacay magaalada madaxda Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa waxey kasoo saareen dhowr qodob oo ku wajahan qaabka loo sugu karo amniga magaalada Kismaayo oo ay ku dagaalameen labo dhinac.
Fadhigaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka 39 hogaaamiye dhaqameedyo oo kasoo jeeda beesha Sade kulankaan oo lagu lafo guray sidii amni loogu soo celin lahaa magaalada Kismaayo ayadoo ay kulankaan kasoo saareen dhowr qodob oo ay wada saxiixeen odayaasha beesha Sade oo uu hogaaminayo Suldaan guud ee beesha sade ee gobolada Jubooyinka Sulaan Maxamed Bashiir madoobe yarrow.
Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa ka mid ah:
1. in Taliyeyaasha ciidamada ay dib ugu celiyaan ciidamada xeryahii ay awal ay ku jiri jireen.
2.In ay ka holgalaan ciidamada amniga iyo kuwa pooliska oo is kaashanay gudaha magaalada Kismaayi si dib loogu soo celi amnigii.
3. Cidii ku kacda dhac iyo boob in shareecada islaam lala tiigsan doono.
4.Ganacsatada degmada kismaayo waxaa ay ku booriyeen hogaamiyeyaasha dhaqanka in ay ka qeyb qaataan sugida amniga.sidoo kale hogaamiyeyaasha kale ee Soomaaliyeed ayaa waxey ka codsadeen in ay ka qeybaataan sugida amaanka magaalada Kismaayo.
5.Cidii lagu arko ayadoo dhac ama boob sameyneysa in barta lagu toogto ismarkaana aysan jirin diyo lasiinaayo beesha uu kasoo jeedo.
Hassan Alahi Nur
nurkhaire@hotmail.com



