5 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay wadada Biyo Maaloow ee Bakaaraha
Click here to find shabelle news in English
Mogadishu 26, June.07 ( Sh.M.Network) In kabadan 5 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib qarax xoogan oo goordhaweyd ka dhacay Inta u dhaxeysa Isgoyska Bakaaraha iyo Masjidka Biyo Maaloow ee magaalada Muqdisho.
Dadka geeriyooday ayaa u badan haween iyo caruur howlo nadaafadeed ka waday wadada Biyo Maaloow, iyadoo qaraxa uu ka dhashay Miino lagu soo qariyay goob qashin qub ah oo wadada dhinaceeda ah.
Qaraxa markii uu dhacay ka dib ayaa goobta waxaa isku gadaamay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia oo rasaas ku kala eryay dadkii ku soo xoomay halkaasi.
Sida uu sheegay Goobjooge la yiraahdo Xasan Xuseen, Meydadka 5taan ruux oo cad cad u go'ay ayaa goobta laga qaaday.
Waxa uu intaasi ku daray in tirada dhimashada ay intaasi ka badan tahay, isla markaana ay jiraan dad badan oo dhaawac halis ah uu soo gaaray oo meesha laga qaaday.
Qaraxan ayaa waxa uu dhacay abaarihii saakay 9:15 Am xilliga magaalada Muqdisho.
Inta badan goobaha qashin qubka ah ayaa waxaa ku qarsan miinooyin iyo bambaanooyin daxaleystay oo la isticmaali jirey xilliyada dagaaladii sokeeye ee dalka Somalia.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Click here to find shabelle news in English
Shabelle Media Network Somalia



