Ciidamada Ethiopia ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Guriceyl ee gobolka Galguduud.
Posted to the Web Jun 26, 15:36
Guriceel:-Ciidamo Ethiopian ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Guuriceyl ee gobolka Galguaduud ka dib markii sida la sheeg ay ciidamadaasi ay maanta gaareen deegaankaasi, lamana garanayo ujeedka ciidamadaasi.
Waa markii 2aad oo ciidamo Ethiopian ay tagaan deegaanka Guuraceyl, daba yaaqadii bishii december ayay ahayd markii ciidamada Ethiopia ay tageen deegaankaasi kadib markii ay dagaal la galeen ciidamadii MMI ee gacanta ku hayay gobollada dhexe.
Goob joogayaal ku sugan deegaanka Guuraceyl ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ethiopia ay gaareen deegaankaasi ayagoo xusay in ay la shireen odayaasha deegaanka si ay uga dhaadhiciyaan qorshaha ay u tageen deegaanka.
Goob joogayaasha ayaa intaa ku daray in saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Ethiopa ay ku war geliyeen odayaasha deeganka in ay hormuud u yihiin masuuliyiinta DFKM oo lagu wado in ay ka hawl galaan degmooyinka gobolka Galgaduud.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta DFKM oo ku saabsan ciidamada Ethiopianka ee tagay deegaanka Guriceyl ee gobolka Galguduud, hayeeshee waxaa la rajaxayaa in u jeedka ciidamada Ethiopia uu yahay sidii ay hub uruurin ugu sameyn lahaayeen deegaanka oo lagu tuhmayo hub fara badan
iyo iyadoo wax taageero ah looga hayn DFKM.




