Ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga ee dowladda KMG oo maanta israsaaseyn ku dhex martay Isgoyska Siinaay.
Muqdisho, Khamiis June 28, 2007 Simba Radio
Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay, kadib markii maanta Iska horimaad uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda KMG ah Isgoyska Siinay ee Magaalada Muqdisho.
Iska horimaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamada Booliska ee horey halkaasi u joogay iyo ciidamo ku labisnaa dareeska ciidamada Milatariga ee dowladda KMG ah.
Iska horimaadka ayaa dhaliyay kadib markii ciidamadii watay Dareeska Milatariga ee goobta soo gaaray ay bilaabeen dhibaatooyin, iyagoona sidoo kale bilaabay lacago ay ka qaadayaan gawaarida BL-ka ee halkaasi ka shaqeysa, sida uu Simba u sheegay mid ka mid dadkii halkaasi ku sugnaa.
Xasan Cadde, oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa xilliga uu falkani dhacayay ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka geeriyooday ay ka mid tahay qof Haween ah.
Si kastaba, xaaladda ayaa caadi ku soo laabatay kadib markii goobta ay soo gaareen ciidamo boolis ah oo uu la socday gudoomiye k/xigeenka ciidamada C/qaadir Beebe.



