Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka SOS iyo inta u dhexeysa EX CTRL Balcad ayaa maanta mar kale waxaa lala beegsaday walxaha qarxa, iyagoo goobtaasi marayay.
Hobyonet. Muqdisho Khamiis, June, 28, 2007
Qaraxaasi ayaa waxaa goob joogayaal ay cadeeyen in ay ku geeryoodeen labo qof oo rayid ah oo goobta socday.
Qaraxa kaddib ayaa waexy ciidamadii Itoobiyaanku ay xireen gebi ahaanba agagaarkii qaraxa uu ka dhacay. lamana xaqiijin karo qasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidamadaasi.
Saakay ayey aheyd markii qarax lala bartilmaameedsaday Kolonyo Ciidamada Itoobiyanaka iyo kuwa dowlada oo marayay inta u dhexeysa Hotel Kaah iyo Ramadaan
Qarixii saakay waxaa la cadeeyay in ay ku geeryoodeen labo askari , iyadoo ay ky dhaawacmeen in kaa baadan 10 qof oo rayid ah.
Ahmad Dahir
Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya
Maslaha1@hotmail.com