Page 1 of 1

breaking news from somalia !!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Thu Jun 28, 2007 11:46 pm
by wadaniweyn1
labadii beelood ee reer Somaaliland ahaa ee uu Dhawaan dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay ku dhexmaray Deegaanka Buuhoodle ee Gobolka Togdheer,ayaa maanta gudidii dhex dhexaadinay labada dhinac ka soo saartay go’aano dib u heshiinaa.

Gudidan dhex dhexaadinta labada beelood ee walaalaha ah ee dhawaan dagaalku ku dhexmaray Deegaanka Buuhoodle,oo ka koobnayd Isimo, Garaado,Madax dhaqameedyo oo muddo lagu qiyaasay hal bil u fadhiday soo af-jarida Colaada dagaal ee lababada beelood dhex maray ayaa maanta go’aamo ay soo af-jarayaan ka soo saaray.

Dagaalka labada Beelood dhexmaray ayaa waxa uu sababay isku-geynta dhimashada labada dhinac ay ku dhinteen 15 qof oo Beel kaliya ay kaga dhimatay 14qof, halka ay beesha kalena kaga dhintay 1qof.Go’aamadan ay Gudida dib u heshiisiinta labada beelood ay soo saareen ayaa waxa la sheegay inay labada dhinacba ku qanceen, oo aan soo gaadhin xafiiska shabakada wararka ee Hadhwanaag, ayaa waxa ka mid ahaa qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen sidan:

Waxa lagu xukumay Beesha dhimashada badan geysatay inay bixiyaan 14 qof Magtood, oo qofkiiba yahay 120-neef oo Geela, taas oo ay isku-geyntu noqonayso 1680- neef oo Geela. Waxa kale oo lagu xukumay inay bixiyaan 20 hablood oo Godob reeba oo la siiyo beesha ay dhimashada badani gaadhay, waxa kale oo lagu xukumay beeshan dhimashada badan geysatay inay bixiyaan $ 5,000 oo Dolar oo ganaaxa, taas oo uu sheegay Xog-hayaha gudida dhex dhexaadinta beelaha C/raxmaan Ciise Maxamuud inay tahay lacagta lagu xukumay qori suuga oo ah qoryaha tignikada la saaro oo ay rideen.

Beesha kale ee iyana dishay halka qof-na ay bixiyaan 120 neef oo Geela, waxa kale oo lagu xukumay Beesha dhimada badan loo geystay inay bixiyaan 4 hablood oo godob reeba.


this mag is impossible 4 subclan to pay so xpect the next round of fighting real sooooon Sad Sad Sad

Re: breaking news from somalia !!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Thu Jun 28, 2007 11:48 pm
by paidmonk
My Somali reading is awful, give me a re-cap.

Re: breaking news from somalia !!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Fri Jun 29, 2007 12:10 am
by wadaniweyn1
one subclan have to pay magtaa 14 men and 14 times 120 camels is 1680 , thats alot of camels by any measure n i don't think they will pay . so dagaal will restart soon Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad

Re: breaking news from somalia !!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Fri Jun 29, 2007 9:30 am
by kkk47
labadii beelood ee reer Somaaliland ahaa [quote='' '']

Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

Qaad baarixi ah miyaad soo cuntay Laughing

Re: breaking news from somalia !!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Fri Jun 29, 2007 9:34 am
by Ina Baxar
I am not familiar with the technicalities of these kinda shyte , but first of all recognising one's mistake and subsequently being willing to pay matga is a big step!
I don't think any thing will happen .