Labo ruux oo ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay agagaarka 4ta Jardiino.
Click here to find this article in English
Mugadishu 30, June.07 ( Sh.M.Network) Labo ruux ayaa ku dhaawacmay oo midi oo boolis yahay qarax miino oo saakay ka dhacay afarta jardiino ee dhinaca degmada Yaaqshiid.
Miinadan oo aheyd nuuca saacadda lagu buuxiyo sida ay sheegeen ciidamadii booliska ee meesha ku sugnaa markii uu qaraxa dhacaayey, ayaa waxaa lagu qariyey miinadaasi meel qashin ah oo wadada dhinaceeda ah, waxaana soo sheeegey wiil yar oo dhawaqa miinadasi soo maqley sida ay boolisku ku warameen.
Booliska ayaa waxa ay intaas ku dareen in ay dadaal u galeen sidii ay uga hortagi lahayeen in miinadaasi ay qaraxdo.
Laakiin ciidamada booliska waxa ay ku guul dareysteen in qaraxa miinadaasi ay baajiyaan, iyadoo saacadeheda markii la gaareyna ay miinadii qaraxdey.
Dadkan dhaawacmey ee labada gaaraaya ayaa waxa uu yahay dhaawacooda mid fudud, iyadoo qofka rayidka ah ee dhaawacmay ay sheegeen boolisku in uu ka dhega adeegey digniin ay boolisku u jeediyeen.
Sarkaalkaasi booliska ka tirsan ayaa sheegey in ay ku dadaaleen in ay yareeyaan wax yeellada ka imaan kartay qaraxa miinadaasi, iyadoo booliska ay xireen dhamaan waddooyinki soo gala goobtii ay miinadu taaley.
Click here to find this article in English
Shabelle Media Network Somalia
Contact us info@shabelle.net



