Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo saakay lagu dilay Muqdisho
Click here to find this article in English
Mogadishu 30, June.07 ( Sh.M.Network) Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee somalia ayaa saakay lagu dilay xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordhayaan dilala iyo ugaarsiga lagu hayo saraakiisha iyo maamulada degmooyinka gobolka Banadir.
Sarkaal kaan oo lagu magacaabi Jirey Max'ed Muuse Caddoow Ceelbaraf ayaa kooxo dableey ah waxa ay saakay ku toogteen Tokyo ku taala degmada Yaaqshiid, xilli uu ka soo baxay gurigiisa sida uu shabelle u xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Xaaji Cali Fiidoow.
Xaaji Cali ayaa waxa uu intaasi ku daray in dilka sarkaalkaan ay geysteen kooxo nabad diidayaal ah, isla markaana uu qeyb ka yahay dilalka loo geysanayo saraakiisha ciidamada dowladda.
waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu soo qabto kooxihii falkaasi geystay.
" Baaritaano ayaanu wadnaa oo aan ku ogaaneyno kooxaha falkaasi geystay" ayuu yiri Xaji Cali Fiidoow oo wareysi siiyay idaacadda shabelle ka dib dilka loo geystay sarkaalkaasi.
Sarkaalkaan la dilay saakay ayaa waxa uu taliye u ahaa ciidamo ka tirsan dowladda oo ilaa 4 Degmo howl-gallo ka wada.
Ilaa iyo wali lama garanayo kooxaha ka dambeeya dilka sarkaalkaan, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho ay ka soconayaan dilal loo geysanayo xubnaha maamulada degmooyinka gobolka Banadir.
Ilaa iyo 5 guddoomiye oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banadir iyo saraakiil dhowr ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho 6 dii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo wali aysan jirin cid loo qabtey dilalkaan.
Click here to find this article in English
Shabelle Media Network Somalia
Contact us info@shabelle.net



