Mugadishu 30, June.07 ( Sh.M.Network) Mid ka mid ah maraakiibtii Somalia ay horey u laheyd oo uu gacanta ku hayay Eng. Muunyo ayaa ku soo caariyay xeebta Garacad ee gobolka Mudug, iyadoo kooxo maleeshiyo beeleedyo ah ay gacanta ku dhigeen markabkaasi iyo shaqaalihii saarnaa oo isugu jira Somali iyo ajaaniib.
Markabkaan oo ay saaran yihiin 16 shaqaale isugu jira Somali, Carab iyo Hindi ayaa waxaa gacanta ku dhigey kooxo maleeshiyo ah markii uu soo caariyay, iyagoo kala dagay hub kala duwan oo lagu waardiyeynayay.
Markabkaan soo caarintiisa waxaa la tilmaamay in ay salka ku heyso cilado farsamo oo soo wajahay sida ay sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha saaran markabkaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in maleeshiyooyinka qabsaday markabkaan ay ku doodeen in aysan sii deyn doonin isla markaana uu si sharci darro ah markii horeba ku soo galay halkaasi.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax xiriir ah oo dhex maray kooxaha markabkaan heysta iyo wakiilada markabkaan.
Markabkaan ayaa waxa uu ka mid yahay maraakiibtii dowladdii hore oo uu gacanta ku hayay Xildhibaan Munye oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka dowladda KMG ah ee ku tiirsan awoodda ciidamada Ethiopia.




