KismaayoNews.Akhristayaasha sharafta leh intooda dhiigga, islaanimada iyo waddaninimada leh waxaan maanta qormadan kusoo qaadaneynaa taariikhda iyo muhiimadda ay laheyd 1-da Luuliyo iyo maanta halka Somali mareyso Nus qarni kadib.
Qaranimadii iyo jiritaankii magaca Somaliyed waxaa muujiyey maalintii aan ka hoos baxney heeryadii gumeysigii caddaa iyo kii madoobaa ee Ethiopia 1960kii. Waa maalintii ay Somali dhamaanteed dhibkii iyo rafaadkii, dilkii iyo dibindaabyadaba kanasteen ee ay u istaageen si geesinimo leh. Waa maalintii ay bilaabatey xurmadii iyo karaamadii aan ku laheyn geeska Afrika. 1-da Luuliyo waxey aheyd maalintii uu nacabkeen iyo cadawgeenu naxey afkana u dhacey, waxey aheyd maalinkii nasteexeen iyo walaalkeen ku nuursadey.
1-da Luuliyo iyo dhidbaddii qaranimadii Somaliya waxey sabab u noqptey xoreynta waddamada badan oo Afrikaan ah oo wali gumeysi dheer ku jirey. Waxaa muhiim ah inaan dib u goconno erayadii iyo suugaantii aadka u badneyd ee abwaaniinta Somaliyed ay ku durduurteen sidii qaranimada loo qaatey iyo waliba sidii Afrika oo dhan loo xoreyn lahaa:
Ohooy Afrikaay Huraddaay,
Halyeeyadaadii Huruddooyo,
Haad baa cunaaya Hurudooy
Hayin Sidiisii Huruddooy
La hogaaminaaayaa,
Doqon baa habowsane
Waligeed Haleysane
Sida xoolihiibaa Xero nalagu Hoyaa!
Waxaa guud ahaan dalkii Somaliyed dib loo xusey geesiyaashii sharafta lahaa ee dhiigooda u daadiyey qaddiyadda iyo diinta islaamka ah ee sharafta badan. Waxay ubadka Somaliyed indhaha ku kala qaadeen taallooyin waaweyn oo badhtamaha kaga dhidbanaa caasimadaha Somaliyed kuwaasoo calaamad u ahaa dagaalkii dheeraa ee lala galay cadawga. Waxaa dhamaan dugsiyadii lasiiyey magacyadii geesiyaashii soo halgamey.
Waxaan kuwada anqarney indhahana ku furney inaan leenahay hal cadow geeska Afrika oo ahaa Ethiopia. Waxaa dhamaan caruurta Somaliyed lagu barbaariyey naceybka Ethiopia iyo iney intey noolyihiin ogaadaan iney dagaal la gali doonaan. Isla xornimadiiba Xeyle Selaase waxuu qaramada midoobey ka jeediyey khudbad dheer oo uu kuxusey inaan SOmaliya la siin dawladnimo oo ay tahey talaabo khalad ah. Illaahey mahaddii raggii xiligaas joogey ee Somaliyed oo ay horseedeysey SYL waxey hadal iyo waranba kaga adkaayeen cadawga waxeyna caalamka ku qanciyeen in Somaliya ay xor noqoto inkastoo lakala qaarey gaar ahaan qaybtii Koonfureed ee Talyaanigu gumeysanayay.
Gobonimooy waa geed magoolee gobonimooy
Gobonimooy Nacas gurguurtaa fuley ma gaaree gobonimooy
Gobonimooy Ninkii ku gaadee ku gardareystaa gobonimooy
Gobonimooy ka gabbanmaynee gobonimooy
Gobonimooy waan ku gubeynaa Gobanimooy
Muddo yar ayaa kasoo wareegtay markii dhaqdhaqaaqii xorima doonka ahaa ee Somaligalbed ay gacanta iskula tageen kadib markii ay ciidamadii Ethiopia xasuuq ba an ka geysteen magaalada Dhagaxbuur xiligaas oo ay ku laayeen dad gaadhaya 70 kuwaasoo saarey callankii Somaliya. Waxaa xogtey 1964kii dagaalkii Aabbe Halgame Makhtal Daahir uu ku horseedey ee lagula dagaalamay Ethiopia. Inkastoo aysan waligeed istaagin diidmada shacabka Somaligalbed gumeysiga Tigreega qarnigii ina dhaaafey waxaa ugu cuslaa dagaalkii 1977 ee ay isla galeen Ethiopia iyo Somaliya.
Waligeed Somali waxey lahaayeen hal mawqif oo ahaa Ethiopia naceyb. Suugaantii badneyd ee abwaaniinta ayaa yar iyo weynba dadka saaqdey xitaa haddeysan aqoonba Ethiopia waxey uaheyd cadaw madoow oo damcsanaa iney dhulkooda qabsadaan.
Garaarka Hubka Geysanaaada
Gumeysi kula dagaalla
Guuraha habeenkiyo gaadmo Socodka barataan
Waa loo geeriyoodaa gobonimee!
Dagaalkii 1977 oo ay waddamo badan usoo hiiliyeen Ethiopia waxey keentey in malaayiin Somaliyed usoo barakacaan walaalahood. Soo dhaweyntii karaamada laheyd ayaa markale Somalida xasuusisay walaalnimada iyo qaddarintii lakala mudnaa.
Isticmaarkii eedda naga galey
Aqalkeena dumiyey
Umala dooxiii afrika Meel uga dhacey
Gumeysti is uruursadey
Aqalkeena dumiyey
Ifka intaan ku noolahay
Ma iloowi doona?
Maya, Maya, Maya
Allaylehe Maya
La iloobi maayee, weynu Aarsan doonnaa
Arligeenii oo xor ah weynu aadi doonaa!
Cadawgii madoobaa ee Ethiopia waxey geed gaaban iyo mid dheer u fuushey iney hesho dad dub Somaliyed ah oo ushaqeeya qaybna kala qaata sidii qaranimada iyo sharafta Somaliyed loo dhexgali lahaa. Waxey hanti badan ku bixiyeen sidii loo baddali dalaa maskaxda Somaliyed looguna saleyn lahaa mid qabiil. Waxey isku dayeen iney yareeyaan hamiga iyo karaamada Somaliyed waxeyna u isticmaaleen kuwa damiir laawayaal ah.
Waxaan dhamaanteen marag u nahay dhibkii ina kala gaadhey ee kusaleysnaa qabiilka inagoo dhamaanteen illaawney cadaawaddii Ethiopia iyo damaceedii waaalla.Waxeynu sameyney dhafoorkeeney ka muuqataa.Qabiil iyo qudhun ayaan isu eryaney waxaana fogaatey walaalnimadii iyo islaanimadii guud iyo middii gaar ahaaneed. Dhulkii aan dhisney ayaan dib u duminey, ubadkii aan dhalney ayaan dabka wada saarney. Dagaal aan dhamaad laheyn oo Addisababa laga maamulo ayaan isku gumaadney.Waxaan illaawney murtidii aheyd.
Muuqaaga kaan rabin,
Midabkaaga kii neceb
Kiisana ha meel marin
Hadal iyo Mutina waa
Afrikaay is maqalloo
Midab gumeysi diida!
Waxaan sameyney ayunbaan guranay midhaheedii. Illaahey aan danbi dhaafwada waydiisano.
Sanad hore ayaa eebbe inagu galladey Maxaakiimtii iyo nadaamkii Islaamiga ahaa oo markale cadawgii ka nixiyey. Waxey aheyd arin aysan waligeed ku tashan cadawgeenu waxeyna la aheyd ineysan Somali dib danbe u heshiin karin waxna u qabsan doonin. Skeeko uma baahna waxii dhacey lixdii bilood.
hadal iyo dhamaantii maanta Somaliya waxey ku jirtaa gumeysi waxaana heysta gumeysigii aan ka xorowney 1-dii Luuliyo. Muqdisho maanta oo ah caasimaddii Somaliyed waxaa ku gaardinaya Tigree waxeyna dilayaan, kufsanayaan dhacayaan dadkii iyo hantidii umadda. Muqdisho oo uusan maanta Sheekh Shariif, Sheekh Xasan Daahir aysan Tarbuunka dadka kula hadleyn oo aan xor aheyn dabaal dag uma baahna. Hadalladii Sheekh Fuaad iyo Abu-Mansuur iyo Geesigii Sheekh Xasan Turki haddey duurka hadhsanayaan dalkii gumeysi baa heysta. Sheekh Axmed Madoobe hadii uu gacan cadaw ku jiro hadal inooma yaallo. Kumayaal haween, rag iyo dumarba leh haddey Tigree u xidhan yihiinna Xornimo warkeeda daa!
Balse waxaad ogaataa sida uu sheegey Sheekh Ibraahim Dheere guddoomiyaha jabhadda Somaligalbed inaan faaiido aad uweyn joogno. Midnimadii , walaalnimadii, jihaadkii, iyo dareenkiiba iyo deeqsinimadii waa Xaadir, waxa kaliya ee inoo dhiman waa xoreynta Muqdisho. Waxyar baa inoo dhiman.
Ugu danbeyn maamulka KismaayoNews waxuu axbaabta Somaliyed leeyahay.
Eebboow Anagoo nabadaa
Eebboow arligoo nabadaa
Eeeboow umaddoo nabadaa
eebboow waan u baahannee!
--------------------
Maya, Maya, Maya
Wax la iloobi ma ahee,
Weynu aarsan doonnaa
Arligeenii oo xor ah
weynu aadi doonnaa!
Isku soo duuboo, 1-da Luuliyaay Xus maanta nooma yaallee, waa inoo sanadka kale illaahey idamkiis, waxaana ku leenahay waan ooyaynaaye noo dulqaado intaan ilmada iska qalajineyno!. Somaliyeey guushu wey dhawdahay, gumeysina waxaa xiga uun Xornimo ee xaqa raaca!



