Heshiis laga gaaray dirirtii Hiiraan ka dhacday.
03 July 07 (Xogta.com) - Wax-garadka iyo Odayaasha beelaha dega gobalka Hiiiraan ayaa sheegay in ay xabad joojin dhax dhigeen laba beelood oo dhawaan ku dagaalantay tuulada Coomaan oo dhacda Waqooyiga mgaalada Beledweyne ee bartamaha gobalada dhexe Somalia .
Nabadoon Xaaji Cabdi Maxamad ayaa Saxaafada u sheegay in xabad joojintaan ay dhaqan gashay isla markaana ay wadaan qorshe nabad balaaran lagu dhex dhigayo labada beelood.
Nabadoonka waxa uu tibaaxay inay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada gebi ahaan, dhawaana ay kulan uga furi doonaan magaalada Beledweyne.
Qaar ka tirsan beelaha ku dagaalamay tuulada Coomaan ayaa soo dhaweeyay xabad joojintaan ay dhex dhigeen odoyaasha iyo waxgaradka gobalka Hiiraan.
Dhawaan ayaa dirir xoogan waxa ay tuulada Coomaan ku dhex martay laba maleeshiyo qabaa'il, iyadoo dagaalkaasi uu qasaaro xoogan dhaliyay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo tuulo hoos timaada gobalka Hiiraan sannadihii ugu dambeeyay ay dagaalo xoogan ku dhex maraan maleeshiyo beeleedyo kala taabacsan qabaa'ilo gobalka dega.
Maxamed Xasan Alfaatix
Xogta.com
Muqdisho




