Max'ed Dheere oo heshiis hoose la gaaray qaar kamid kooxaha dagaalka ka wada Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Dheere ayaa heshiis hoose la gaaray qeybo kamid ah koxaha halganka hubeysan ka wada gudaha magaalada Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiiskaasi ay kala saxiixeen wakiilo ka kala socday dhanka Maamulka gobolka Banaadir iyo koox iyadu aan la shaacin balse kamid ah kooxaha ku fir fircoon magaalada Muqdisho.
Heshiiska la kala saxiixday oo aan helnay qaarkiis ayaa dhigaya in labada dhinca ay joojiyeen is beegsiga isla markaana Maamulka gobolka Banaadir uu damaanad qaado amaanka masuuliyiinta heshiiska loo wakiishay.
Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in ay kooxdaasi ay joojiso falalka ay ku beegsaneyso Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya,isla markaana ay ka haraan wax waliba oo hub iyo dagaal ku lug leh.
Dhinaca Max'ed Dheere ayuu u ballan qaaday in aysan deeganada ay joogaan aysan imaan kareyn Ciidamo dawladda taabacsan isla markaana aan cidna la badi goobi doonin.
Kooxaha ugu cad ee dagaalka ka wada magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah kooxda Shabaab oo Maxaakimta raacsaneyd balse lama oga kooxdasi hadii ay la heshiin kareyso maamulka gobolka.





