Shirweynaha International Congress of Somali Studies iyo Dr Hussein Adam
Shirweynaha International Congress of Somali Studies oo ah mid caalami imika ka hor na lagu qabtay Hargeisa University, Somaliland July 2001, ayaa ka dhaci doona carriga Mareykanka magaaladiisa Columbus,Ohio, bisha August 15-18 da 2007. Waxaa sannadkan martigelisay Shirkan Ohio State University oo ah madasha lagu qaban doono. Shirkan waa mid lagu soo bandhigo qoraallo,cilmibaadhisyo, iyo aqoon isweydaarisyo ku saabsan somalida; iyagoo lagu soo qaaddo dhinac walba xaaladaha siyaasadeed, bulsho, dhaqan, horumareed, iyo duruufaha jooga waqtiyada xaadirka ah.
Waxaa waxa aad looga xumaada ah in shirkan oo ahaan jiray mid bahweynta Somaliland ay doorweyn ka ciyaari jirtay aanay doorkan uga qaybgalayn sidii looga bartay; sababahaasna aan hoose ku xusi doono.
Akhristoow se ma ogtahay ninka Shirweynahan Caalamiga ah Hindisay/Founder u ahaa; inuu ahaa aqoonyahanka weyn ee Dr. Hussein M.Adam (Tanzani) oo ah Professor caan ah oo culuunta Political Science ka dhiga Jaamacadda Holy Cross ee mareykanka. Waa ninkii ugu horreeyey wax Somali ah isagoo da’yar ka qalin-jabiyay jaamacaddaha I V league loo yaqaan ee Harvard, iyo Princeton. iyo weliba Makereri University oo Africa waqtigaa ugu siddatay. Aqoonyahankan oo ah nin u dhashay Somaliland ayaa shirkan si KHAAS ah loogu sameeynayaa special event habeenka jimcaha 8/17 Honor Dinner/Casho Sharaf lagu maamuusayo taariikhdiisa, iyo abaabulkiisa Shirkan ay isugu iman doonaan aqoonyahanno ka kala socda Jaamacada adduunka, iyo waxgarad kala socda dalal badan. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgeli doonta Wakiilka Dawladda Mareykanka u qaabilsan Horn of Africa Mrs.Jandayi Frazer.
Dhanka Somaliland waxaa ka socda oo lagu casumay Abwaannada kala ah: Hadraawi, Gaariye,iyo siciid Saalax’iyagoo ka hadli doonaa sugaanta iyo luqadda Somaligaba. Waxaa sidoo kale ka soo qayb gelaya Saaxiibka Weyn ee Somaliland Prof. Igbal Jhazbahy ee South Africa.
Sababaha keenay in Somalilanders ku aanay isku taxalujin inay xoog ku yeeshaan doorkan Shirweynahan waa Maadaama dadka qabanqaabinayaa ay yihiin dad reer xamar/koonfur ah, ayaa dad badan oo reer Somaliland ahi ay waxbadan ku darsan shirkan. Waxaa xiga shirkan mid Preliminary ah oo ay maqrtiqaaday Jaamacadda Djibouti University oo la qaban doono December 2007.Wixii faahfaahin ama registration ah eeg
Issa Awaleh
issawaleh@yahoo.com



