Page 1 of 1

XILDHIBAAN C/RASHIID XIDDIG "Waxaan caddeynayaa in Gobolka J

Posted: Sat Jul 07, 2007 2:30 pm
by Hiiraan boy
XILDHIBAAN C/RASHIID XIDDIG "Waxaan caddeynayaa in Gobolka J/hoose aysan degin 19 qabiil, dowladda KMG-na qorshahaas way ku fashilmeysaa"

Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay Xaaladaha ka taagan Gobolka J/oose wuxuuna yiri "Sida la wada ogsoon yahay Gobolka Jubbada Hoose wuxuu ka kooban yahay 5 Degmo oo kala ah Kismaayo oo ah magaalo madaxda Gobolka J/hoose, Badhaadhe, Afmadow, Jammaame iyo Xagar.

“Gobolka waxa uu xudduud dheer la leeyahay dalka Kenya, sidoo kale gobolku wuxuu xuduud la leeyahay Gobolada Jubada Dhexe iyo Shabeelada Hoose” ayuu yiri Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo intaa ku daray in Gobolku leeyahay khayraad fara badan oo Rabbi ku maneystay sida Wabiga Jubba, dhul beereed ballaaran, xoolo nool ooo nooc walba leh, waana gobolka kaliya ee ay ku hartay ugaartii duur joogta ahayd.

“Gobolku wuxuu leeyahay Garoomo diyaaradeed oo caalami ah iyo kuwa badan oo macmil ah, wuxuu kaloo leeyahay Gobolka Dekedo caalami ah iyo kuwo dabiici ah oo ku dheeraran badweynta Hindiya, sidoo kale wuxuu leeyahay jasiirado ku dhex yaal gudaha Badweynta Hindiya, kheyraad kaloo badan ayaa dhex ceegaaga sida macdanaha kala duwan iyo waliba kheyraadka badan oo aan la soo koobi Karin” ayuu yiri Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig.

”Daraasado badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in gobolkani ka kaaftoomi karo inuu waxyaabo kale kasoo dhoofsado gobolada kale dalka iyo waliba inuu u baahdo kaalmo dibadeed haddii khayraadkiisa loo maamulo si haboon taa soo bulshada gobolka ka saari lahayd dhibaatada maanta haysata ee daryeel la’aanta dhinac walba ah” ayuu yiri Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo nasiibdarro ku tilmaamay in gobolka leh intaas oo khayraad ah oo manta aan lahayn wax horumar ah sida caafimaad, waxbarasho, isgaarsiin sida wadooyinka iyo dhamaan adeegyadii bulshada, taasoo ay naafeeyeen dagaalladii sokeeye ee guud ahaan dalka ka dhacay, gaar ahaana gobolkan oo leh khayraadka aan kor ku soo sheegay ayaa noqday miday ku tartamaan awoodihii dalka ka jiray laga soo bilaabo xiligii dowladdii rayidka ahayd, tii Milateriga ahayd, tii Cali Mahdi ee Jabuuti, tii C/Qaasim ee Jabuuti iyo waliba midda maanta ee Mbagathi.

“Dhalashadii dowladdii Embagathi ayaa bulshada gobolkaas min degmo ilaa tuulo isu diyaariyeen inay ka baxaan dhibaatadaas muddada soo jiitamaysay balse waxay arrintu lama filaan noqotay markii 23/Aprill/07 uu dagaal ku dhex maray kooxo kuwada tirsanaa maamulka xukuumada KMG ee Soomaaliya isla markaana keentay in maamulkii Gobol, Degmo iyo Ciidan ee Gobolku u kala baxo laba qaybood kadibna isu rogay mid beeleed. Shacabka gobolkuna waxay sugaayeen in dowladda federalka ahi si degdeg ah u xalin doonto arrintan, balse waxaa layaab ku noqotay shacabka Jubbada Hoose hadal ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo oranaaya Gobolka J/hoose waxaa dega 19 Qabiil isagoo waliba dadka gobolka ku amray inay xamar u soo dirsadaan xubno saddex saddex ah, kuwaas oo lagala tashan doono xalinta khilaafaadka gobolka Jubbada hoose” ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka J/hoose, wuxuuna sheegay inuu si kulul u cambaareynayo, ugana soo horjeedaa isku dayada damaaciga ah ee weli lagu doonayo in lagu hantiyo dhul, iyadoo la daba joogo in la fuliyo siyaasadihii aan kor ku soo sheegay ee ay ku fashilmeen xukuumadihii iyo shakhsiyaadkii hore isugu dayay arrimahan.

”Waxaan wasaaradda arrimaha gudaha dowladda KMG & cid kasta oo ka dambeysa qorshaha dhul boobka ee ay waddo ugu baaqayaa inay dib uga laabato arrintaas, arrimaha Gobolka Jubbada hoosana loo daayo dadka ay khuseyso, xalkana lagala tashado mas’uuliyiinta, siyaasiyiinta & Odayaasha gobolka” ayuu yiri Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo intaa ku daray inuu caddeynayo in Gobolka J/hoose aysan degin qabiiladaas tirada badan ee Wasaaradda arrimaha Gudaha soo liis gareysay una suurta galeyn meel marintiisa, waxaana bulshada Soomaaliyeed xusuusinayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay isla degto qof kastaana ka shaqeysto meeshuu doono haddaba is weydiintu waxay tahay qofkii gobol ama degmo u taga shaqo ma wuxuu noqonayaa Beel Gobolkaas wax ka degta? Ayuu isweydiiyey xildhibaanka

”Waxaan ku talin laahaa inaan bulshada gobolka loo horseedin bara kac iyo colaad hor leh, mas’uuliyiinta arrimahan ku howlana ay u wajahaan arrintan si daacad ah iskana daayaan nin jeclaysiga” ayuu yiri Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo sheegay inuu mar kale xusuusinayo bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka J/hoose inay xalistaan arrimahooda si buuxdana ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka.

”Waxaan caddeynayaa in qorshe beeleedka hadda la wadaa uu yahay kii UN-ka lagaga qaatay mashruucii NGO ahaa ee 1994 laga fuliyay Kismaayo kana fuliyeen qaar ka mida masuuliyiintii waligood ku hamiyi jiray inay Jubbada hoose Qaran & Taariikh guuriyaan beelo aan deginna ku abuuraan, balse waxaa la iska indho tirayaa muxuu ku dambeeyay isku daygaasi oo ahaa qorsheyaashii 1991 ee ku wajahnaa gobolo badan oo lagu riyoonaayay in la taariikh wareejiyo” ayuu yiri Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo talo ku soo jeediyey in xalinta khilaafaadka Kismaayo loo maro dariiqa uu leeyahay mana aqbalayno ayu yiri in laga faa'idaysto khilaafkaas oo taariikh hor leh loogu sameeyo Gobolka, beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee khilaafku dhex marayna waxaan ugu baaqayaa ayuu yiri inay xalistaan khilaafkooda si ay uga hortagaan, arrintan ka weyn waxa ay iyagu isku haystaan oo noqon doonta taariikh guur mustaqbal fog oo madow leh.