they ran away for their lives, cayr waa baabah wallahi and habar gidir went down with them masaakiinta
.
Wakiilka Ugaaska Beesha Cayr oo Muqdisho isaga baqoolay hanjabaado iyo weerar lagu qaaday kadib.
Muqdisho , Axad, June , 08 , 2007 Waagacusub.com
Cabdi Dahir Ugaas Nuur oo ah Wakiilka Ugaaska Beesha Cayr ayaa xalay gaaray Dalka Jabouti kadib markii bam lagu tuuray daaqada qol uu ka deganaa guriga Xasan Dhimbil oo ah Wasiirka Cadaalada ee Dowlada Federalka Cabdilahi Yusuf.
Ugaas Cabdi Dahir oo ay wehliyeen laba xubnood iyo Agaasimaha Idaacada Hornafrik Ahmed Abdi Salaan ayaa socdaalkiisa ku beegay maalin lagu waday inuu shir Jaraa’id ku qabto Muqdisho si uu kaga hadlo weerarkii bambaano ee deeqada qolkiisa lala beegsaday iyo khilaaf soo kala dhexgalay Golaha Guurtida Hawiye.
Ugaas Cabdi Dahir ayaa Waagacusub u sheegay inuu Jabuuti kaga sii gudbayo Nairobi kadibna ka hadli doono hanjabaado iyo weerar lagu qaaday ,arrimo uusan faahfaahin.
Wakiilka Ugaaska Cayr oo Waagacusub u waramayay xilli uu Transit ku ahaa Madaarka Magaalada Hargeysa wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay jiraan isfaham waa soo kala dhexgalay Golaha guurtida Hawiye .
Lama ogga in Cabdi Dahir Ugaas Nuur Muqdisho kaga baxay hanjabaadahaas uu sheegay ee ay la beegsadeen Kooxaha Muqaawimada iyo inuu isaga dano gaara ka leeyahay socdaalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee kooxaha muqaawimada Muqdisho waxay Cabdi Dahir ku eedeeyeen inuu la hadlo oo calaaqaad wanaagsan la leeyahay safiirada Talyaniga iyo Mareykanka hasse yeeshee taasi waxay dad badan ku tahay la yaab,maadama aysan jirin sababa xaaraan ka dhigayo in lala hadlo qof gala.
Abdi Fitah Mohamed Hilowle
Mogadishu-Somalia




