Masuuliyiinta Degmada Luuq Oo Qeylo Dhaan Ka Mujiyey Ayax Fara Badan Oo Baabi'iyay Dalag Beereed Ku Yaala Deegaano Ka Tirsan degmada Luuq ee gobolka Gedo
Jul 08,2007
by Baardheere-GEDO-NN
Ayax raxan raxan u socdo ayaa dhibaato xoogan u geystay inta badan beero iyo dhul daaqsin ah oo ku yaala deegaano kala duwan oo hoosyimaada degmada Luuq, sida ay sheegeen beeraleey halkaasi ku sugan,iyadoo khasaaraha uu geystey ayaxaasina uu sameyn ku yeeshay nolosha kumanan qof oo u badan Beeraley iyo Xoolo dhaqato.
Ayaxaan oo aan la garaneyn halka uu ka yimaaday ayaa 3dii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu baabi'iyay dhul beereed lagu qiyaasay in ka badan 200 oo Hector sida uu Gedonet u sheegay Gudoomiyaha degmada Luuq, Axmed Buulle Max'ed oo iminka ku sugan Deg.G/haarey.
Tuulooyinka ugu daran ee anyaxa waxyeelada uu u geystay ayaa waxaa ka mid ah Carecase, Dooryaanleey, Halbo,haanooy iyo kuwo kale oo hoosyimaada degmada Luuq. Guddoomiyaha degmada Luuq ayaa waxa uu baaq u jeediyay hay'adaha samafalka iyo kuwa kale ee beeraha in ay la soo gaaraan dawooyin iyo sun ay uga hortagaan anyaxaani.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli beeraleeyda gobolka Gedo ay isku diyaarinayaan xilli beereedkaan, inkastoo roobabkii la filayay sanadkaan aanu si wanaagsan uga curan halkaasi.