Kumanaan Ciidamo Ah Iyo Tikniko Xoogan Oo Kulaalaya Nawaxiga Kismaayo
News (Kismaayo}11.7-7
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamo aad u fara badan oo ku hubeysan hubka culus iyo ka fudud ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo oo la sheegay inay haatan nawaxiga magaaladaasi kulaalayaan, isla markaana ay aad u buux dhaafiyeen.
Sida wararka na soo gaadhaya kismaayo ay sheegayaan ciidamada haatan sii kulaalaya Kismaayo ee doonaya inay dagaal ku qaadaan magaaladaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ilyaas Badal Gabboose iyo qaar ka mid ah xubnihii maamulka Gobolka Jubbada Hoose ee horey dagaalka looga adkaaday kadib markii maleeshiyo ka tirsan dowlada somalia ay dagaal foodda is dareen.
Sida warku sheegayo Ciidamadaas ku wajahan Kismaayo ayaa qaarkood laga diray magaalada Muqdisho iyadoo ay ku jiraan kuwa kale oo dhawaan tababar ugu dhammaaday xerooyinka Laantabuuro iyo Balidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo loogu talo galay inay Kismaayo dib u hantaan kuna soo celiyaan gacanta dowladda .
iyadoo xiisadaas ay taagan tahay ayaa dhinaca kale Madaxweynaha Soomaliya wuxuu horey u sheegay in Kismaayo ay heystaan kooxo dowlad diid ah, haddii ay diidaan si waanwaan ah inay Kismaayo gacanta dowladda ugu soo wareejiyaana weerar lagu qaadayo, isagoo xusay in kooxo argagixisada taageera ay yihiin kooxaha Kismaayo heysta.
laakiin maanta ayuu C/llaahi Yuusuf Axmed xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kula kulmay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha daga magaaladda Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Odayaasha iyo waxgaradka uu la kulmay madaxweynaha ayaa waxay ka kala socdeen ilaa 11 beelood oo ah beelaha dega Gobolka Jubbada Hoose, waxaana sida warku sheegayo uu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda magaalada Kismaayo iyo sida dowladda uga shaqeyn karto gudaha Kismaayo iyadoo wax dagaal ahi dhicin.
Odayaasha uu la kulmay Madaxweynaha ee ka socda gobolka Jubada hoose ayaa waxaa casuumay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya oo shirka soo qabanqaabisay,
waxaana la sheegay in kulanku maalmo kale sii socon doono, halka wararka kale ay sheegayaan in Odayaashani ay ka qeyb galayaan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee 15-ka bishan Muqdisho lagu wado inuu ka furmo, kuwaasoo metelaya beelahooda.
widhwidhonline@gmail.comWidhwidh Online News Desk..Media Center