the famous words: Nuclear haddii la soo rido xitaa waa la qa
Posted: Thu Jul 12, 2007 1:56 pm
C/laahi Yuusuf: " Nuclear haddii la soo rido xitaa waa la qabanaa shirka".
Click here to find this article English
Daawo Sawirada
Dhageyso shirka jaraa'id
Mogadishu 12, July 07 ( Sh.M.Network)- Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku adkeystay in uu dhacayo shirka dib u heshiisiinta Somalida xilliga loogu talo galay oo ay ka harsan tahay qabsoomiddiisa labo maalmood oo qura, isagoo dhinaca kale sheegay in ciidamada Ethiopia aanu ka baxeyn Somalia inta laga xasilinayo dalka.
Hadalkaan ayuu ka sheegay maanta Madaxweyne C/laahi Yuusuf Shir Jaraa'id uu ku qabtey xarunta Villa Somalia, ka dib hoobiyeyaal xalay lagu weeraray halkaasi.
" Waa qabsoomayaa shirka dib u heshiisiinta qaran xitaa haddii lagu soo rido Nuclear goobta uu ka dhacayo" ayuu yiri Madaxweyne C/laahi Yuusuf, xilli xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro hoobiyeyaal ah oo qaarkood lala beegsaday xarunta lagu qabanayo shirka, inkastoo hoobiyeyaashaasi ay hareermareen.
Madaxweyne C/laahi oo shirkiisa Jaraa'id ay ku wehliyeen Guddoomiyaha golaha midnimada beelaha Hawiye, Xaaji Cabdi Iimaan iyo Afhayeenka dhinaca siyaasadda C/laahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu ka hadlay ugu horreyn cafis loo fidiyay dhamaan dadkii la shaqeyn jirey maxkamadihii islaamka marka laga reebo kuwa caalamka ay u aqoonsadeen argagixiso.
Col. C/laahi yuusuf ayaa waxa uu sheegay in xabsiyada laga sii deyn doono dadka aan dabmbiga laheyn, kuwa dambiilayaasha ahna la marsiin doono Maxkamad.
Waxa uu sheegay in ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Ethiopia ay sii joogi doonaan dalka inta laga islaaxinayo isla markaana nabadda la soo celinayo.
Shirkaasi Jaraa'id ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay in ay ka aqbaleen madaxweynaha cafiska loo fidiyay dhamaan dadkii la shaqeyn jirey Maxkamadaha.
Xaaji Cabdi waxa uu ugu baaqay shacabka gobolka Banadir in ay la shaqeeyaan dowladda isla markaana wax dhibaato ah aanu dowladda u keeni doonin shacabka.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli xalay hoobiyeyaal lagu weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho oo ay ku jirto xarunta Villa Somalia iyo waliba meelo ku dhow dhow xarunta Gaadiidka oo la doonayo in lagu qabto shirweynaha dib u heshiisiinta.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo shir Jaraa'id ku qabtey xarunta Madaxtooyada
Xaaji Cabdi Iimaan iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo yeeshay fadhi gaar ah
Xaaji Cabdi iimaan iyo C/laahi Yuusuf oo isi salaamaya ka dib shir Jaraa'id oo si wada jir ah ay u qabteen
C/laahi Sheekh xasan, xaaji Cabdi Iimaan iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf
Click here to find this article English
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
http://www.shabelle.net/images1/xc4.jpg
http://www.shabelle.net/images1/xc3.jpg
http://www.shabelle.net/images1/xc2.jpg
http://www.shabelle.net/images1/xc1.jpg