Garoowe: Ergadii Deegaanada Puntland uga qeybgalaysa Shirka Dibu heshiisiinta oo ka dhoofay garoonka Garoowe.
13. juli 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Garoowe(AllPuntland)- Garoonka diyaaradaha ee Konoco ayaa waxaa ka dhoofay ergada deegaanada dawlad gobaleedka Puntland uga qaybgaleysa shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Axad ka furmaya caasumada Soomaaliya.
Ergadan maanta ka dhoofay Konoco ayaa waxa ay gaarayaan 162 ergay in ka badan ,waxaana kala qaadaya labo dayaaradood ayadoo lasheegay in saacadaha soo socda gaarayaan caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.
Ergadan ayaa maalmihii ugu danbeeyey waxa ay joogeen caasumada Puntland ee Garoowe ayagoo ka qeybgalay aqoon isweydaarsi ay uqabatay hay'ada PDRC ,kaasna waxaa lasheegay in uu ahaa mid isbarasho.
Gobalada Puntland ayaa waxa ay noqdeen deegaanadii ugu horeeyey ee ay ka soo ambabaxaan ergada ka qeybgaleysa shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo ay xiliga dawlada Soomaaliya in uu qabsoomo uqorsheysay ay ka dhiman tahay 2 maalmood oo qura.
Masuuliyiinta gudiga qabanqaabada uxilsaaran deegaanada Puntland ayaa waxa ay horay usheegeen in aysan Puntland ka dhicin wax khilaafaad ah oo ku aadan xulintaaka beelaha Soomaaliyeed xubnahooda uga qeybgalaya shirkaasi.
Waa Xubnihii ugu horeeyey ee ka qeybgalaya shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo ka dhoofo deegaanadooda ayadoo la filayo in uu shirkaasi Furmo 15-bishan July.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland