Page 1 of 1

Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 12:28 pm
by Cilmiile
Nin baa wuxuu lahaan jiray laba dameer oo uu ugu dhaamin jiray magaalo. Lacag badan ayuu hawshaas ka heli jiray. Hase yeeshee wuu u darnaa umana naxariisan jirin. Caws iyo Bal ku filan ma siin jirin.

Labadii dameer markii ay u adkaysan waayeen dhaqan iyo dhaqaale xumada lagu hayay ayay ku tashadeen inay fakadaan oo ay galaan ayda. Habeenkii dambe ayay labadii dameer carareen oo aadeen duurka iyo baadiyaha fog. Halkaasna waxay ka heleen doog fara badan, aadna way u cayileen una raysteen
Muddo dabadeed ayaa jiilaal soo food saaray noloshiina ku yara adkaatay. Maraas ayay labadii dameer midkood yidhi 'waar ina keen ku noqonee ninkii ina lahaa intaan jiilaalkani cidla inaga helin'. Dameerkii kalaa wuxuu ku jawaabay: waar aakhirona meel la tago lehe, anigu ku noqon maayo ninkii aan ogaa. Jiilaalkaasaan ka dorotay rarasho iyo gumaysii aan naxariis lahayn.

Labadii dameer midkood wuxuu ku hadhay doorkii, kii kalena wuxuu u soo laabtay ninkii lahaan jiray. Ninkii ayaa isla maraahtiiba heeryadii saaray oo raray kuna dhaansaday. Dhowr bilood ka bacdi ayuu yidhi: Waar dameerkii kale halkaad kaga timi, kaalay i soo tus. Ninkii iyo dameerkii ayaa isa soo raacay oo waxay aadeen duurkii, waxayna u tageen dameerkii kale oo roob u day aadna u cayilay, geeso dhaadheerna bixiyay. Intay ka bacsadeen ayay dib uga soo laabteen.

Gumaysigii rarashada diiday wuxuu isu bedelay biciid oo kale, kii ogolaaday gumaysiga iyo darxumadana wuuu itaal gabay, wuuna ka shallaayay

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 12:30 pm
by Hiiraan boy
Rolling Eyes

i think a hawiya or ishaak man once beat u up

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 12:32 pm
by Cilmiile
I am much nicer than Xaaji Maxamuud Macalin "Cagadhiig". I wont turn you into crocodile food the way he fed your grandfathers to the Shabeele River crocs.

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 1:48 pm
by kambuli
Cilmiile,

Laga bilaabo maanta waan ku nacay Sad

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 2:04 pm
by Sir-Luggoyo
[quote="kambuli"]Cilmiile,

Laga bilaabo maanta waan ku nacay Sad

[/quote]


Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

Kambuli,

Waxaan ka yaabi saad maalinba mid u nacaysid inaad marka dambe cidla isa soo taagtid. Tol anigiyo Cilmiilaa kuugu dambeynay, labadanadiina wa kaa aad bustihii yaraa naga laabatay.

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 2:07 pm
by Ina Baxar
Laughing @luggooyo

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 2:10 pm
by kambuli
You mean maahmaadhii ahayd"Tolkey saan maalinma mid u nacayey ayaan wada nacay"? OO goormaad tolkey ahayd?

Odey Cilmiile waxaan ku haystaa, waxaa weeye:

Xaq buu u leeyahay inuu iska celiyo wixii kusoo xad gudba...Weliba he is good at it and I applaud it... Laakiin inuu thread iskii u furo Somaali kala fogeynaya waan dhibsaday runtii Sad

We have to deal with the present not 200 oo sano ka hor odeyaal reer miyi ah waxa ay isu geysteen....

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 2:13 pm
by Hiiraan boy
[quote="kambuli"]
We have to deal with the present not 200 oo sano ka hor odeyaal reer miyi ah waxa ay isu geysteen....[/quote]

run bey sheegtay

Re: Two donkeys and their Master

Posted: Tue Jul 17, 2007 2:16 pm
by COSTA
Dameerka so noqday ka caqli badnaa kan diidey illayn jilaalka dili karay kan diidey Laughing