(Laascaanood}19.7-7
Xasan Geerash oo horay u ahaa taliyaha qaybta booliska gobolka Sool ee dhanka maamulka labaxay somaliland ayaa ay haatan dowlad goboleedka puntland u magacawday taliyaha ciidanka Badda ee puntland ....................................................
Waxa ay dowlad goboleedka puntland soo saartay warqad qoraal ah oo lagu magacaabay taliyaha ciidanka Badda ee puntland iyadoo xilkaasna loo magacaabay Xasan Geerash oo horay u ahaa taliyaha qaybta booliska gobolka Sool ee dhanka maamulka labaxay somaliland.
Warqadaas ayaa xilkii uu hayay looga qaaday Cabdi Xirsi Ducaale oo jagadan haatan loo magacaabay xasan geerash horay u hayay.
.Xasan Geerash oo muddo dheer ahaa taliyaha Qaybta ciidanka somaliland ee Gobolka Sool, waxa xilkaa laga qaaday intii aan ciidamada maamulka labaxay Somaliland soo dulfadhiisan aaga adhicadeeye, waxana uu ku biiray xisbiga UCID oo u doortay guddoomiye kuxigeen.
Xasan Geerash kadib wuu kabaxay xisbiga u cid wuxuuna sheegay in aanu marna daacad u ahayn maamulka hargeisa haatanna mawqifkiisu yahay inuu wax la qabsado Puntland iyo Soomaaliweyn, isla markaana uu u sharraxan yahay xubinimada Baarlamaanka Puntland .
Xasan Geerash, waxa uu inta badan ku sababeeyey go’aanka uu kaga soo horjeestay Somaliland mid ka dhashay cunsuriyad isir nacayb ah oo uu dareemay taas oo uu sheegay in xisbigii uu ka tirsanaa ee UCID laftiisa ay isku maandhaafeen.






