Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Bakaaraha: Hooyada huwanta gumeysi diidka Soomaaliyeed

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Bakaaraha: Hooyada huwanta gumeysi diidka Soomaaliyeed

Postby adanboy » Fri Jul 20, 2007 5:04 pm

up

Faallada Aayaha, Jimce, 20 July 2007 - Horumar kasta oo ay bulsho hiigsaneyso wuxuu u baahan yahay dhaqaale. Horumarkaasu ha ahaado mid siyaasadeed, mid bulsho, ama mid dhaqan-dhaqaale.

Halgankii ay bulshada Soomaaliyeed dalka uga saareen gumeystihii caddaa ee reer Yurub waxaa qeyb weyn ka qaatay dhaqaalihii Soomaalida kasoo geli jiray iibka xoolaha, iyo ganacsigii kale ee ay Soomaalidu la laheyd dalalka Carabta.

Gumeystihii reer Yurub ee dagaalka kula jiray xoogaggii xaq u dirirka ee Daraawiishta ayaa dadaal walba u galay in ay baabi'iyaan xoolihii Soomaalida, iyagoo dareensan in haddii ay shacabku caydhoobaan in ay xoogagga xaq u dirirka Daraawiisheed weyn doonaan taakuladii ay ka heli jireen shacabka xoolo dhaqatada ah, sidaasna uu ku wiiqmi doono halgankii xaq u dirirka ahaa.

Sidaasoo kale, mar kasta oo la doonayo in dowlad kamid ah dowladaha caalamiga la ciqaabo waxaa shacabkeeda lagu soo rogaa cunaqabateyn dhaqaale, taasoo ka dhigan in dalkaasi uusan debeda waxba ka keensan karin, amaba aanu waxba debedda u dhoofin karin. Ujeedada cunaqabateynta lagu rogayo shacabka aan waxba galabsan ayaa ah in marka ay shacabku gaajoodaan ay dowladdu ku qasbanaato in ay u hoggaansanto rabitaanka dowladaha cunaqabateynta saaray.

Hadaba, sida laga wada warqabo, labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa ka socday Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, weeraro, dil, dhac, boob, iyo bililiqo ay ku kacayaan ciidamada cadowga ah ee Itoobiya iyo Mbagathi.

Suuqa Bakaaraha oo ah xaruntii dhaqaalaha Ummadda Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay dagaaladii sokeeye ayaa xiran maalintii 15aad, iyadoo aanu ka socon dhaq dhaqaaqii ganacsi ee uu Suuqu ku caan baxay, iyadoo maalin iyo habeenba lagu gummaadayo ganacsatada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah.

Suuqa Bakaaraha:
"Hooyada huwanta gumeysi diidka
Hooyada horumarka bulshada
Hoyga haqabtirka abaaraha
Hooyada hilinka toosan
Hooyada hamuun tirka hoy laawayaasha
Hooyada horumarintata aqoonta
Hooyada hogaaminta ummadda
Hooyada heybadda muruq maalka"

Suuqa Bakaaraha waa xarunta hooyada u ah wanaag walba oo dalka ka socda. Waa goobta looga gurmado:
Soomaalida ay abaaruhu saameeyaan
Soomaalida ay fatahaaduhu waxyeeleeyaan
Soomaalida kusoo barakacay colaadda
Soomaalida gumeystuhu waxyeeleeyo
Soomaalida tabaaleysan

Suuqa bakaaraha waa xarunta laga hago adeegyada waxbarasho, caafimaad, diineed, iyo horumarin bulshadeed, waana xarun laga difaaco dalka.

Hadaba, gumeystaha madow ee haatan dalka qabsaday iyo daba dhilifyada Mbagathi ee u adeegaya gumeysiga oo daba socda tabihii gumeystihii caddaa ee reer Yurub ayaa iska dhaadhiciyay in haddii la boobo Suuqa Bakaaraha, lana bur buriyo dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ka socda uu halkaas ku wiiqmi doono halganka xaq u dirirka ah ee dalka looga xoreynayo gumeystaha madow ee Xabashida.

Sidaa daraadeed ayey ciidamada gumeystaha madow ee Xabashida iyo gumeysi kalkaalka Mbagathi waxey weerar joogto ah ku hayaan Suuqa Bakaaraha, iyadoo laga horjoogo boob ay u geystaan hantida taalla Suuqa.

Waa arin laga xummaado falalka bahalnimo ee ay cadowgu ku weerarayaan Suuqa Bakaaraha, kuna doonayaan in ay ku curyaamiyaan dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Ummadda Soomaaliyeed, balse waxaan shaki ku jirin in qorshahoodu fashil ku dambeyn doono sidii uu fashil ugu dhamaaday qorshihii gumeystihii caddaa ee ka horeeyay, isla markaana dalka laga saari doono gumeystaha uraya ee madow, sidii hortood dalka looga saaray gumeystihii caddaa ee reer Yurub.

Aayaha.com
Editor@aayaha.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 62 guests