Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Residents Protest The Rape Of Refugee Women By TFG Troops!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Biif Baaf
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 463
Joined: Thu Oct 12, 2006 10:42 pm

Residents Protest The Rape Of Refugee Women By TFG Troops!

Postby Biif Baaf » Thu Jul 26, 2007 9:27 am

Banaanbax ay maanta Muqdisho ka sameeyeen ehelada 5 haween ah oo xalay ciidamada dowladda ay kufsadeen

Mogadishu 26, July 07 ( Sh.M.Network) Banaanbax looga soo horjeedo falal kufsi iyo jirdil ah oo oo xaley ciidamada dowladda ay ka geysteen xero dadka soo barakacey ay ku nool yihiin oo ku taala agagaarka Shineemo Puntland ee degmada Huriwaa, ayaa saaka ka dhacey wajahadda hore ee Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah ehelada illaa 5 haween oo ciidamada dowladda ay kufsadeen xaley ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga cabanayeen falal jir dil iyo kufsi ah oo ay sheegeen in ay kula dhaqaaqeen ciidamada dowladda.

Dibadbaxayaasha oo lagu qiyaasey illaa iyo afar boqol ayaa socodkooda ka soo billaabey waddada dheer ee hor marta hotel Ramadaan iyagoo isugu soo ururey waddada hotel Lafweyn, waxaana ay ku qeylinayeen hal ku dhigyo ka dhan ah ciidamada dowladda.

Dibad baxayaasha ayaa waxaa sidoo kale ku jirey qaar ka mid ah haweenkii jirdilka iyo kufsiga loo geystey oo qaarkood dusha ku sitey ilmo bil ka yar, oo wajiyadooda ay ka muuqdey dhibaato iyo murago la xiriirta amarka qabsadey.

Muumino Max’ed oo ka mid ah haweenkii la kufsadey islamarkaana ay sheegtey in ay tahay umul ayaa tilmaamtey in ay u soo galeen guriga xaley ciidamo aad u fara badan islamarkaana ay kufsadeen illaa iyo 3 ka mid ahaa ciidamadii u soo galey.

“ Waxaa ii soo galey ciidamo ku lebisnaa dharka cagaarka ah, waa ay igaraaceen waxayna ninkeyga ku amreen in uu banaanka tago” ayey tiri Muumino.

Sidoo kale Nuurto Xaaji Aadan oo ka mid aheyd haweenkii la kufsadey ee ayaa sheegtey in jirdil loo geystey ka hor inta aan la kufsan.

Aadan Cismaan oo ah seyga mid ka mid ah haweenka la kufsadey oo la yiraahdo Muumino Max’ed oo isna Shabelle ugu waramey goobta uu dibad baxa uu ka dhacey ayaa waxaa uu sheegey in ay jirdil u geysteen ciidamadii u soo galey islamarkaana ka xumaadey falkii lagula dhaqaaqey xaaskiisa.

“Waxaa ay igu qabteen qori xaaskeygana horteyda ayey ku kafsadeen” ayuu yiri Aadan Cismaan oo intaasi ku darey in dareen ahaan uu is badeley markii ay dhacdey arintani.

Dibaxayaasha ayaa markii dambe waxaa kala eryey ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyagoo diidey in wax codsi ay dowladda u jeediyaan taasoo ku aaddan dhacdadan ay ciidamada dowladda kula dhaqaaqeen.

Waxaa ay ka codsadeen hay’adaha xaquuqul insaanka in arrinkaasi ay baaris ku sameeyaan islamarkaana sharciga la horkeeno askartaasi.

Dhacdadan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli ciidamo ka tirsan dowladda Somalia ay waayahanba soo baxayeen eedeymaha la xiriira in ay dhac ka geystaan suuqyada Muqdisho,iyadoo tanina ay noqoneyso dhacdo cusub oo lagu eedeynayo ciidamada dowladda.


Ciidamada Ethiopia ayaa hore loogu eedeeyey in ay kufsi iyo jir dilba u geysteen illaa iyo labo haween ah oo ku dhaqnaa magaalada Muqdisho, mana jirin wax hadal ah oo dowladda ay ka soo saartey dhacdooyinkaasi.

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 62 guests