Ciidamo Militari ah oo dhac ka wada magaalada Marko
Marko 27, July 07 ( Sh.M.Network) Ciidamo ka tirsan Militariga Somalia ayaa dhac ka wada gudaha magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose.
Sida ay shabelle u sheegeen Goobjoogayaal, ilaa 5 ruux ayay ciidamada Militariga ah siyaabo kala duwan ay dhac ugu geysteen magaalada Marko 24 kii saac ee la soo dhaafay.
4 ka mid ah dadkaan ayaa waxaa laga dhacay teleefoonada gacanta halka halka midka kalena laga qaatay lacago wali cadadkeeda aan la sheegin.
Arimahaan ayaa waxa ay walwal ku abuureen dadka magaalada Marko oo ka codaday taliska ciidamada ee degmadaasi in uu wax ka qabto arimahaan.
Horey ayaa ciidamada dowladda loogu eedeeyay in ayd hac ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqyada Bakaaraha, Kaaraan iyo Siinaay.
Yuusuf Keynaan
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net



