Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo nin gaari gacanle ah ku dilay degmada X/jajab.
Mogadishu 27, July 07 ( Sh.M.Network) Nin Rayid ah oo la sheegay in uu ku xamaalanayay gaari gacan ayaa maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda waxa uu ku toogtay degmada X/jajab ee gobolka Banadir, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
lamana garanayo sababta keentay dilkaan, inkastoo askariga uu ku dooday in xabaddu ay si kama ah uga baxsatay, waxaana lagu soo waramayaa in askarigii dilkaasi geystay uu haatan xabsiga jiifo.
Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa horey toogasho ugu fulisay qaar ka mid ah askarteeda ka dib markii dowladda ay ku eedeysay in ay dil geeysteen.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net



