Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby Somalian_Boqor » Thu Aug 02, 2007 2:47 pm

Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo gaarey magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland iyo wafdi ballaaran oo ay isimo ka mid yihiin ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga dawladda federaalka ee uu hoggaaminayo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa saaka ka amba baxay magaalada Garoowe halkaas oo ay muddo toddobaad ah ku sugnaayeen.

Dhinaca Puntland-na waa markii ugu horreysey ee madaxweyne ka socda dawlad goboleedka Puntland uu gaaro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mas'uuliyiintan ayaa waxaa soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirrada dawladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir waxana ay haatan ku sugan yihiin xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda dawlad goboleedka Puntland ee uu ugu horreeyo madaxweyne Cadde Muuse ayna kamid yihiin isimo ka socda deegaannada Puntland ayaa la filayaa in ay booqdaan kana qayb galaan xarunta uu shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ka socdo ee magaalada Muqdisho.

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby Somalian_Boqor » Thu Aug 02, 2007 2:48 pm

Wefdi ay hogaaminayaan Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yusuf iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cade oo Muqdisho ka oo degay.

Mogadishu,2 August 2007 (HornAfrik Media) Madaxwaynaha dowladda fadaraalka soomaaliya oo wefdi balaaran oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland hoogaaminaya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho maanta.

Garoonka caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo degay maanta Madaxweynaha dowladda ee soomaaliya iyo wefdi ka socda dowlad goboleeedka Puntland oo uu hor kacayo Madaxweyne Cade Muuse Xirsi.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda fadaraalka soomaaliya ayaa wefdigaasi ku soo dhaweeyey gagada diyuuradaha ee Aadan Cade International airport iyagoo dhanka Madaxtooyada u sii gudbay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in wefdiga uu hogaaminayo General cade oo markii ugu horaysay cagaha soo dhigay Muqdisho ayaa kulamo la qaadan doonaan Ray’sal wasaaraha dowladda fadaraalka Cali Maxamed Geeddi si markaasi looga wada hadlo xariirka labada dhinac islamarkaana waxaa ka mid ah heshiiska laga gaari karo in Ciidamada daraawiishta Maamul goboleedka Puntland ay ula wareegi la’ahayd dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa wefdigaan ka mid ah ergooyin hor leh oo la doonayo inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed iyadoo intii uu joogay Madaxweyne yuusuf uu markii uu tagay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee garoowe uu soo jeediyay in ergooyin muhiim ah ay kusuganyihiin Puntland islamarkaana ay tahay in shirka ay ka qayb galaan.

Imaatinka wefdigaan uu hor kacayo madaxweynaha dowladda fadaraalka soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili caasimada xalay ay ka dhaceen tuuryada madaafiicda hoobiyaasha ah kuwaas oo keenay qasaare xoogan oo dad rayid ah soo gaartay.

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby Somalian_Boqor » Thu Aug 02, 2007 2:48 pm

Madaxweyne Yuusuf, Jan. Cadde Muuse, Yuusuf Gaagaab iyo Mas’uuliyiin kale Oo Soo Gaaray Muqdisho.

Mogadishu, Khamiis , August 02, 2007 SMC

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mud, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland Jan. Cadde Muuse iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Yuusuf Gaagaab ayaa barqanimadii maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ku socday ilaa Saddex diyaaradood oo qadar daqiiqado ah kala dambeeyey ayaa garoonka Aadan Cadde International waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG.

Waxaa si aad ah loo adkeeyey wadooyinka u dhaxeeya garoonka Muqdisho ilaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo gabi ahaanba la xadiday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.
Wafdiga Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna halkaasi si aad ah ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda KMG.

Madaxweynaha Somalia Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa socdaal maalmo qaatay ku tagay Magaalada Garoowe ee xarun gobaleedka Puntland, iyadoo Madaxweyne Yuusufna uu sheegay ka hor intii aanu saakay kasoo kicitimin garoonka Garoowe in ay ku guuleysteen dhamaan ujeedooyinkii socdaalkooda

Somaliweyn Media Center (SMC)
MogadishuSomalia

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby Somalian_Boqor » Thu Aug 02, 2007 2:51 pm

The Will of Puntland State to See a viable Somalia is Great. It's leaders are storming the Capital City.

The President of Puntland has Landed in Mogadishu for the first time in 17 years. It's an Historic day indeed.

I am Proud of Reer Puntland may they succeed.

User avatar
enemy_o_m_m
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 863
Joined: Wed Jul 25, 2007 8:58 pm

Re: Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby enemy_o_m_m » Thu Aug 02, 2007 2:57 pm

talking to urself, eh?

no 1 cares about afbiijo and the sac muse

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby Somalian_Boqor » Fri Aug 03, 2007 3:59 am

^^^ Focking loser.

Anyways back to the topic.

User avatar
biko
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9077
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: just right the corner.

Re: Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby biko » Fri Aug 03, 2007 7:28 am

is he still alive? Confused

User avatar
Brav3Heart
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 668
Joined: Sat Jul 14, 2007 10:30 pm

Re: Mogadishu: President's Of Somalia & Puntland Reach Capital

Postby Brav3Heart » Fri Aug 03, 2007 10:49 am

One has bad liver, and one is surviving on his sons lung Laughing . What is wrong with MJ leaders horta, it just shows you how cursed they are.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 78 guests