hadhwanaag 2007-08-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):Waxa habeenkii xalay abaaro 7:00 fiidnimo markii ugu horeysay dhabada diyaaraduhu ka haadaan ee Magaalada Hargeysa ka duushay diyaarad nooceedu yahay Fokar oo ay leedahay Shirkada Ethiopian Airline, taas oo rakaab ka qaaday Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo gadiidka Cirka Cali Maxamed Waran-cadde ayaa xalay munaasibad uu ka qeybgalay ka sheegay inay ku guuleysteen inay xalay Diyaaradii ugu horeysay goor habeenimo ah ka duushay Madaarka Egal International ee Magaalada Hargeysa, taas oo aan Waligeed lagu arag taariikhda Madaarka Hargeysa diyaarad xili habeenimo ah ka duuleysa aa ku dageysa Madaarka Hargeysa.
Mr. Waran cadde oo muddo sanad ah hayey xilka Wasiirka Duulista iyo hawada ayaa dedaal ugu jiraa sidii uu u horumarin lahaa Madaarka Caasimada, waxaanu intii uu joogay u suurta gashay inuu wax badan ka qabto dayac fara badan oo ka muuqday.
Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa




