Axmed Siilaanyo oo Booqday Wersheddii Gubatey ee Furshaanta, baaqna u soo jeediyey dowladda iyo shacbiga
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 3 August, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga ayaa shalay booqday Wersheddii Gubatey ee Furshaanta ee Al-khayraat. Waxana uu ugu baaqay dowladda iyo shacbiweynaha Somaliland, gudo iyo dibadba inay gacan ka geystaan sidii wersheddaasi dib loogu soo celin lahaa.
Axmed Siilaanyo oo u tegey Wershedda inuu soo arko inta uu le'eg yahay khasaaraha gaadhey wershedda, isla markaana uga tacsiyeeyo shaqaalaha, maamulka iyo mulkiilayaasha khasaaraha baaxadda leh ee ka soo gaadhey wershedda dabkii ka qarxay wersheddaas galabnimadii Salaasadii, kaas oo ay gebi ahaanba ku shuf beeshay wersheddu, waxay ku kulmeen goobta, wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiirka Hawlaha Guud, mudane Siciid Sulub iyo Wasiirka Wershedaha, mudane Maxamed Saleebaan-weyne. Waxa kale oo iyaguna goobta ku sugnaa saraakiil ka socdey hay'adda UNDP.
Waxana uu ku dhalliilay xukuumadda inay ku guuldarraysatay muddo 16 sannadood ah in magaalada Caasimadda ahi ay yeelato Dab-demis, kaas oo uu sheegay – haddii uu jiro – inuu ugu yaraan wax ka badbaadin lahaa wersheddaas.
"Halkaa (Wershedda) waxaanu ku soo aragnay wax laga naxo oo aad tiiraanyo noogu beeray, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo oo booqashadiisa wershedda uga warramay Radio Horyaal.
Waxana uu sheegay in wersheddaasi ay ahayd wershed weyn oo soo saari jirtey furshaanta iyo alaab badan oo dalku aad ugu baahan yahay, isla markaana wax soo saarkeedu dhaafsiisnaa Somaliland, uuna gaadho meelo kale oo ka baxsan Somaliland. Isaga oo ku tilmaamay inay calaamad u ahayd maalgashiga dadka reer Somaliland – gudo iyo dibadba – ay dalkooda u quudheen inay geliyaan hantidooda.
"Waxyaabaha soo baxay, waxa muuqatay magaaladaa dhan ee magaala-madaxdii Somaliland ah ee dowladdu ka dhisan tahay ee dowladda Hoose ka dhisan tahay in aan haba yaraatee wax dab-demis ah oo loogu talagalay aanay jirin, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
"Arrintaasi kashifaad weynweyn ayay ahayd, " ayuu raaciyey.
Waxana uu sheegay in xilka dowladnimo ay ka mid tahay inay samayso sharcigii, Caymiskii iyo dabdemiskii, isla markaana ay dhisto hay'adihii shaqooyinkaa qaban lahaa, balse, aan la samayn.
"Waxaanu ku baaqaynaa iminkana, kow, Xukuumaddu waa inay gurmad ka gashaa maadaama xilkaasi saarnaa inay caawimo iyo cawil celin u samayso dadkii wersheddaa lahaa, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
"Mar labaad waxaanu ugu baaqaynaa shacbi weynaha gudo iyo dibadba ha joogeene in gurmad iyo wixii loo tari karo loo taro ayaanu ku boorrinaynaa, " ayuu raaciyey.
Waxa kale oo uu u soo jeediyey xukuumadda in adeegyada guuud, sida dabdemisyada magaalooyinka iyo kuwa la midka ah ee hore looga seexday ayuu yidhi, dib loo eegaa, lana hubiyaa in aanay hadda kadib dhicin tan oo kale.
Wershedda Furshaanta ee Al-Khayraad ee magaalada Hargeysa oo dab gudaheeda ka kacay uu qabsaday galabnimadii Salaasadii, 31kii July, ayaa waxay ololeysey muddo saacad ka badan, waxaana u gurmadey dadka shicibka ah ee xaafadda iyo booyadaha biyaha dhaamiya ee gaarka loo leeyahay.
Wersheddaas ayaa gebi ahaanba shuf beeshay oo aanay waxba ka badbaadin, waxaana lagu qiyaasay inay halkaa ku baaba'day hanti dhan 1.5 Milyan Dollar.
C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.




