Gaalkacyo= Dagaal U Dhexeeya Labo Kooxood Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac.
Warkii 08-Aug-2007 iyo Qormadii: Cali Maxamed Warsame
Dagaal qaraar oo dhexmaray labo kooxood ayaa waxa uu goordhaweyd ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dagaalkan oo ah mid sababay dhimasho iyo dhaawacba ayaa waxaa uu ka bilowday markii garoon kubada lagu cayaari jiray ee halkaasi ku yaal ay kooxo kale oo xoog doonayay in ay ku dhistaan ay isku dayeen in ay halkaasi ka dhistaan.
Dhalinayarada kubada ku cayaari jirtay halkaasi ayaa sheegay in ay digniin horay u siiyeen kooxaha doonaya ay in ay halkaasi handadaada ku dhistaan balse ayna suuro gali doonin garoonkan in laga dhiso dhisme shaqsi leeyahay.
Dagaalkan ayaa waxaa la'isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwnan iyadoo wali haatan laga cabsi qab in ay israsaasayntu ay marlabaad halkaasi ka bilaabato.
Israsaasayntan ayaa istaagtay kadib markii dhismihii halkaasi laga waday uu istaagay,dagaalkan ayaa waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in uu noqdo mid reeba dhibaatooyin kale oo hada abuurma.
Fanax Xaaji.
Xigasho iqrasomali.com



