Illahey Uu Naxaristo Marxuum Cali Iiman Sharmaarke, owner of HORNAFRIK, Marxuum Mahad Axmed Cilmi !
This is a sad, cowardly act to kill civilians !
Mogadishu 11, August 07 ( Sh.M.Network) - Cali Iimaan Sharmaarke oo ka mid ah milkilayaasha Idaacadda Hornafrik ahaana agaasimaha idaacaddaasi ayaa goordhaweyd ku geeriyooday qarax Miino oo la kacay gaari uu saarnaa oo ka mid ahaa gawaaridii ka soo laabatay aaska meydka Alaha u naxariistee Wariye Mahad Axmed Cilmi madixii idaacadda Capital Voice oo maanta lagu aasay qabuuraha Barakaad ee magaalada Muqdisho.
Meydka Cali Iimaan Sharkaarke oo indhaha la isugu qabanayo ka dib markii la xaqiijiyay geeridiisa
Dadkii soo duugay Meydkii Marxuum Mahad Cilmi oo ku hareersan Meydka Cali Iimaan Sharma'arke oo laga soo dajiyay gaariga,
Meydka Cali Iimaan Sharmaarke oo laga soo bixiyay gaariga ay miinadu la kacday
Sida ay ku soo warameen Wariyeyaal ka tirsan Idaacadda Shabelle oo la socday Gawaaridii siday meydka Wariye Mahad Clmi, Qarax ayaa qabsaday gaarigii uu saarnaa Cali Iimaan, iyadoo halkaasina uu ku geeriyooday.
Sidoo kale qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay Wariyeyaal uu ka mid yahay Sahal oo saarnaa gaariga miinadu ay la kacday.
Lama oga wali qaraxaasi cidda ka dambeysa, laakiin waxa uu ahaa miino sida la sjeegay wadada ku aasneyd.
Saakay ayay aheyd markii kooxo aan la garaneyn ay toogasho ku dileen Wariye Mahad Axmed Cilmi xilli uu ku sii jeeday xarunta Idaacadda HornAfrika.
Meydka Mahad Axmed Cilmi oo godka loo sii wado
Click here to find this article in English
Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us:
info@shabelle.netEmail Us: news@shabelle.