Nairobo oo noqotay halka ay dhoolatuska ku sameeyaan qoysaska Geeddi & C/llaahi Yuusuf
Marka laga hadlayo cadaaladda, wadaniyada, aqoonta iyo garashada wanaagsan ee muhiimka u ah qofka bini-aadamka ah, waxaad moodaa Soomaalida in taa laga qadiyey oo markii la qeybinayey ay habsan ahaayeen, waxaana lagu tilmaamaa Soomaalidu in ay yihiin dad aan diirin, isu nixin, intooda la moodo in ay waxgaradka yihiinna kabaha u qaada kuwa maalintaa ay isugu saaran tahay beenleyda adduunyada, waana tan gayeysiisay Soomaalida halka ay maanta taagana yihiin.
Haddii aan u soo daadego ujeedada qoraalkan, wuxuu yahay in Soomaalidu fahmaan in ay weli dabaadi ku tahay dhaqamadii foosha xumaa oo xittaa ka sii libdhaya Afrika, waxaana qeyb ka mid ah dhaqamadaasi aan ku arkay magaalada Nairobi oo sanadihii u danbeeyey noqotay halka ay dhoolatuska ku sameeyaan qoysaska kuwa madaxda ka ah dalkii ay ku burburiyeen cadowgiisii markii ay u soo hor-kaceen, si ay u heleen mansab iyo dhaqaale, waxaadna ku arkeysaa magaalada Nairobi dhalinyaro ka mid ah ubadka ay dhaleen C-llaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo midba uu kan kale ugu faanayo ilaalo Kenyaan ah iyo dhalinyaro Soomaali ah oo daba yaaceysa, waxaadna ku muuqaneysa in dhaqaale aan xad laheyd ay dhalinyaradaasi ku burburinayaan dalka Kenya.
Waxaan la fadhiyey meel maqaaxi ah nin oday ah oo ka mid ahaa dad aanu wada fadhinay meel ku wada shaahey-nay, markii loo sheegay in dhalinyaradaasi la daba yaacayo ay dhaleen Geeddi iyo Yuusuf su-ye.
``Geeddi waaba la gartaye, Odayga C-llaahi ah maxaa loo lahaa, dhaqaale doon ma ahane, waa kursi doon, oo maalin dhoweyto waxaan Idaacadda ka dhageysanayey isagoo leh anigu Xaj-ka waajib iguma ahoo wax aan ku aado maba haysto, qoyskiisa halkan joogana dhaqaale aan xadi laheyn bay ku feytaamayaan oo mar walba waxey bixiyaan ``Speso Politiko`` teeda kale, waxaan idiin sheegayaa ragga maanta dalkii Amxaarada ku soo hogaamiyey, iyagu waaba socdaane, waxaad arki doontaan qoysaskooda oo ceeb & yaxyax darteed aan bulshada hor imaan doonin.
C/fataax Aweys Xuseen (Qoslaaye)
Diinle66@hotmail.com