GOOD NEWS. beginning of the end of the dabadhilif five minutes of fame and betrayal.
War ay si gaar ah u heshay shabakadda wararka soomaalinews.com ayaa xaqiijinaya in Cidamo taabacsan Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Xasan Turki oo kamid ahaa hogaanadii Maxaakimta Islaamka ay la wareegeen deegaanka Dhoobley ee xuduuda Somaliya iyo Kenya.
Ilo xog ogaal ah ayaan kasoo xiganay in Ciidamadaasi oo aad u hubeysan ay kasoo ruqaansaden dhanka degaanada keymaha ah e gobollada Jubooyinka,iyadoona la sheegayo in calamo mad madow ay watan.
Waxaa wararku ay intaasi ku darayaan in Xoogaga Sheekh Xasan Turki in ay fariisimo xoogan ka sameysten deegaankaasi,mana la oga hadii ay halkaasi sii joogayaan mise hadii ay ka baxaayan inkastoo ilo wareedka aan helnay arrinkaasi uusan xaqiijin.
Sheekh Xasan Turki oo kamid ahaa Hogaanadii Maxaakimta Islaamka ee maamulayay Jubooyinka ayaa kamid ah wadaadad ugu taageerada badan Jubooyinka waxaana la sheegaya in wadaadkaasi Mareykanka uu ugu jiro liiska waxa ay u yaqaanaan Argagixisada Caalamiga ah.
Xafiiska wararka soomaalinews.com,Muqdisho.





