Ciidamo Bolis Oo Kusoo Fool Leh Mag. Muqdisho ( 3.000 )
Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 23-Augosto-2007
Sida ey shaaciyeen masuuliyiinka ka tirsan ciidamada boliska iyo maamulka G/Banaadir ayaa waxaa kusoo fool leh magaalada Muqdisho ciidamo bolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay mid ka mid ah xerooyinka ciidamada ee duleedka Muqdisho kuwaaso lagu wado in ey kaabaan ciidamada boliska ee horay ugu sugnaa caasimadda.
Ciidamada ayaa lagu sheegay in ey qeyb lixaad leh ka geysanayaan sugidda Amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidankaan badankiis ka howl gali doona labada degmo ee ey qaraxyada ka geystaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda iyo burcadda kusoo badanaya degmooyinka.
Tirada ciidamadan boliska ah oo lagu sheegay 3.000 oo askari ee kusoo foolka leh caasimadda ayaa kusoo beegmay xilli ey dowladdy shaaca ka qaaday in ey wax ka badali doonto amaanka guud ee caasimadda mudo sadex isbuuc gudohood isla markaana ey ka sifeyn doonaan magaalaa kooxaha argagixisada iyo kuwa burcada ah ee caadeystay waxyeeleynta dadka rayidka ah.
Amaanka guud ee caasimadda oo ah mid dagan ayaa hadana waxaa kusoo badanayay degmooyinka qaar qaraxyo iyo falal burca nimo ah oo ey badanaa wax ku noqdaan dad shacab ah oo an waxba galabsan.
Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda





