Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

VOA Interview With President Yusuf!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

VOA Interview With President Yusuf!!!

Postby Somalian_Boqor » Sat Aug 25, 2007 3:53 am

WAREYSIGII AY VOA LA YEELATAY MADAXWEYNE YUSUF U DHACAY
Posted to the MOL August 23, 2007, 8:28 am

Waxaa dhawaan wareysi la yeeshay madaxweynaha dawlada KMG ah ee Somalia Mudane c/laahi Yuusuf idaacada Maraykanka ee Voice of America (VOA). Wareysigiina wuxuu u dhacay sidaan:-

VOA: Sidee ayay dowladda KMG ah wax uga qabaneysaa rabshadaha ka socda Muqdish?

President Yusuf: Meeshu waa caasimaddii dalka, dad badan oo kala duwan ayaa jooga, ma dooneyno in aan xabado ku ridno shicibka masaakiinta ah, waxa kaliya oon ugaarsaneynaa oon raadineynaa waa dadka shidada wada.

VOA: Ra’iisalwasaare Geedi ayaa laga soo xigtey in laga fikirayo in aad sameysaan aag loo bixinayo ‘green zone’ oo nabagalyo leh, fikirkaas ma ammaan darro ayaa keentey, sideed adigu u argataa?

President Yusuf: Fikirkaas anigu wax kuma lihi, dowladuna iima sheegin, Ra’iislawasaarahana markii uu iddaacadda ka hadlayey ma aan dhageysan, go’aan dowladu leedahey oo noocaas ahna lama socdo.

VOA: Waxa jirta in urur u ololeeya xuquuqda aadamaha uu edeymo idiin soo jeediyeen dhammaantiin garabyada Muqdisho isku haya, sideed u argataa eedeyntaas?

President Yusuf: Waxa aan u arkaa in waxaas uu yahey wax aan wax ka jirin oo been ah oo la abuurey, waxa waxaas sameenayana waa dadka doonaya in arinka Soomaaliya uu nabad noqdo oo la dhameeyo.

VOA: Laakiin madaxweyne soo suurtogal maaha , haddii meesha ay dagaallo ka dhecayaan, oo xabado waawayn lays dhaafsanayo oo dad shacab ah ay ku dhimanayaan iyo dowladdiiba, in ama kama ha ahaato ama ula kacba'e ay dambiyo ka dhan ah aadaminimada ay ka dhici karayaan magaalada Muqdisho?

President Yusuf: Yaa kallifaya laakiin inay waxaasi dhacaan, oo dagaallo ay dhacaan? Argagixisadaa kallifeysa, dowladdu nina la dirimayso, shacabkana layn mayso ee waxqabadkeedu waxa weeye, wax sharciga, nadaamka iyo danta guud ee soomaaliya ku salaysane, ee dadka argagixisada ah oo shacabka ku dhex dhuumanaya oo laynaya oo in meesha dagaal ka dhaco kallifaya ayaa horta iska leh dambigeeda ee dowladdu ma leh, ciidamada Ethiopiana ma laha, ciidamda Amisom-na ma laha. Wax xalaal ah haddii ay wataan maxay u tilmaami waayeen oo ay u oran waayeen waxa Xamar ka socda waxa kallifaya waa nimanka Shabaab la baxay, maxkamadihii islaamiga ahaa la baxay oo anagu aan argagixiso u naqaan, kuwaasaa shiddada Soomaaliya ka socota wada, kuwaasaa shacabkii iyagoo aan u kala aabo yeelin laynaya, kuwaasaa dilaya qofkii aan la fikrad ahayn oo dhan ama ha ahaado wax garad amaba siyaasi kuwaasi may eedeeyaan.

VOA: Madawweyne, iyaguna way eedeeyeen oo way ku sheegeen inay dhibkaasi sameynayaan, laakiin intiinii ma qaadateen adinku?

President Yusuf: Anagu wax la yiraahdo xuquuqda bini’aadamka ayaad ku xad gudubteen ma qaadanayno, mana oggolin, waddankaan amnigiisa inaan xasilino waa ku khasban-nahay.

VOA: kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Jendia Frezier waxay sheegtay in dowladda xilli adag ay ku jirto, dadaal wayn aad samayseen, sidii aad mucaaradka ula xiriiri lahaydeen, nabadda aad u soo celin lahaydeen, laakiin haddana dhinaca kale waxay tiri dowladdu waxay samaysaa xiritaan aan loo kala aabbo yeelin, isla markaana waxay cadaadis ku haysaa saxaafadda.

President Yusuf: waxaan anigu u aqaan qof soomaaliya saaxiib la ah runtii oo dooneysa in Sooaaliya ay xasisho oo sharafteedii iyo qaran-nimadeedii la soo noqoto, waxaanse hadalkaa oranaya iyadoon aan laga fiirsan baa dadka layska xir xiraa u arkayaa inay tahay wax aan waxba ka jirin.

VOA: Dhinaca saxaafadda laakiin madaxweyne waa jiraa caadis ah in idaacado la xiro, marka waa maxay bay kula tahay sababta dhibkaa loo gaysanayo?

President Yusuf: Mar kaliya ayaanu billowgii maalin kaliiya la xiray idaacadda la yiraahdo Horn Afrik, ka dibna waa la furay, dib dambana idaacad looma xirin, laakiin idaacaduhu adiga aan ku waydiiyee haddii raadiyayaashu ay dadka ku guubaabiyaan dowladda diida, nbadda diida, shirka qaranka oo socda diida, dadka shacabka ah laaya haddii ay ku guubaabiyaan, adiga maxay kula tahay inaan yeelno.

VOA: Madaxweyne goormaa laga yaabaa inaad ka maarantaan joogitaanka ciidamda Ethiopia oo ay dad fara badani ka cabanayaan?

President Yusuf: ciidanka Ethiopia dad badan ka carari mayaane, dadka ka cararaya waxa weeye kuwa aan nabadda rabin, Ethiopia cidna wax ma yeelin, dhibaatana uma gaysan, dadka argagixisada kaliya ayaanu hor taagan-nahayoo shacabka Soomaaliyeed taanu rabno inaanu ka saarno dhibka shiddada weeye.

VOA: Dhibka ciidamad Ethiopianku ay gaystaan yaa masuul ka ah? Ma iyaga mise adinka?

President Yusuf: haddaan Lillaahi kuu sheego, dowladda Ethiopia ciidankeeda waxaa u yeeratay dowladda Soomaaliyeed, labadan dowladoodna ula jeeddadooda waxa weeye inay badbaadiyaan oo xasiliyaan waddankan ela jeeddadu waa intaa uun.

VOA: madaxweyne-nimadu waa howl adag, inkastoo aad dadaal fara badan ku soo bixisay, maka daashay bay kula tahay shaqadan hadda, maxaase ku caajis galiya?

President Yusuf: Adeer daali mayo anigu, waayo waxaan ogahay waajibka isaaran.


Waxaa diyaarshay


Mohamed Hussein osman

User avatar
Spragga Benz
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1736
Joined: Mon Jul 05, 2004 7:00 pm
Location: ceelka bardacad, gaalkacyo

Re: VOA Interview With President Yusuf!!!

Postby Spragga Benz » Sat Aug 25, 2007 9:22 am

[quote="Somalian_Boqor"]
President Yusuf: Adeer daali mayo anigu, waayo waxaan ogahay waajibka isaaran.[/quote]


up

Midhaha Cumar Waalane waa kaa. Cool


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 12 guests