Where in the Quran and sunnah did they get that ------a man who is not the murderer can be killed because his nephew killed(wiil uu adeer u yahay baa wax dilay).
Even if he helped his nephew to escape justice, should he be killed for the crime of his nephew???
Is this Islam or jungle law??
_______________________________________________________________
Kismaayo(AllPuntland)- Waxaa maanta barxada xeradii Mariinada ee magaalada Kismaayo lagu qisaasay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Maaadey Aamiin oo 50 sano jir ahaa kaasoo loo qisaasay markii lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay baxsashada wiil gacan ku dhiigle ah oo uu adeer u ahaa kaasoo ay beesha Gaaljecel ku soo wareejisay beesha Sade oo laheyd qisaasta.
Marxuumka Maxamed Maaday oo markuu Salaada duhur tukuday oo uu duceysanayey rasaas ay ku fureen rag ka tirsan beesha Sade ayey dadka qaarkiis ku tilmaameen iney tahay mid qalad ah oo ninkan la dilay adeer ahaan loogu qisaaso gacan ku dhiiglaha baxsaday hase yeeshee beesha Gaaljecel oo uu ka dhashay marxuumkan ayaa ku eedeysay inuu isagu fakiyay gacan ku dhiiglaha sidaa daraateedna ay ku wareejiyeen beesha Sade.
Labada beelood ee Sade iyo Gaaljecel ayaa horay fal qisaas ah ugu fuliyay Kismaayo iyagoo ku heshiiyay in qofkii qof dila loo qisaaso sida Shareecada Islaamku qabto balse dhacdadani ayaa ah mid aan waafaqsaneyn Shareecadda oo lagu joojinayey xiisad keeni karta aargoosi ama iska horimaad sababa khasaaro hor leh.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho





